Arjen Robben: "Arsenal Wax Koob Ah Kuma Guuleysan Doonto"

0
Saturday February 16, 2013 - 23:51:05 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arjen Robben: "Arsenal Wax Koob Ah Kuma Guuleysan Doonto"

    Xiddiga kooxda Bayern Munich Arjen Robben ayaa sheegay in Arsenal aysan wax koob ah ku guuleysan doonin ilaa iyo inta ay iska iibinayaan xiddigahooda ugu fiican, isagoo hadalkaan sheegay ka hor kulanka ay la leeyihiin Champions League isbuucaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga kooxda Bayern Munich Arjen Robben ayaa sheegay in Arsenal aysan wax koob ah ku guuleysan doonin ilaa iyo inta ay iska iibinayaan xiddigahooda ugu fiican, isagoo hadalkaan sheegay ka hor kulanka ay la leeyihiin Champions League isbuucaan.
Robben oo saaxiibo dhow la ah kabtankii hore ee Arsenal Robin van Persie kaasoo ka tagay kooxda xagaagii, ayaa difaacay go’aankii uu RVP kaga tagay kooxda Gunners.

Isagoo u waramayay jariirada The Sun waxa uu yiri: “Robin waxa uu ahaa kabtanka. Laakiin waa sida ay tahay kubada cagta. Ciyaartoyda waa ay baxaan.

“Ugu danbeyn dadka ka xumaanaya arintaas waa taageerayaasha rasmiga ee kooxda Arsenal, waxaana ay aheyd wax laga xumaado inuu ka tagay kooxda.

“Laakiin marka dhinaca kale laga eego, hadii aad si nadiif ah u fekerto, qof walba waa uu dareemi karaa go’aankiisa inuu doonayay inuu koobab ku guuleysto, in koobab lagula guuleysto Arsenal xilligan la joogana aad ayay u adag tahay.”

Robben ayaana waxa laga weydiiyay sida ay la tahay sababta aysan Arsenal muddo 8 sanno ah wax koob ah u qaadin, waxaana uu ku jawaabay:

“Runtii waad arki kartaa, ma ahan feker ee waa xaqiiq.

“Sideedii sanno ee ugu danbeysay wax koob ah ma aysan qaadin. Taas ayaana wax walba kuugu filan. Hadii aad fiirfiiriso waxaa jira kooxo qaar oo England ah oo ka awood badan Arsenal. Uma hadlayo Robin. Isaga ayaa gaaray go’aankiisa.”

Robben ayaana ka hadlay saameynta ay Arsenal ku yeelatay inay iska iibiyaan xiddigahooda.

“Waxaan ku noolahay Germany, kuma nooli England, sidaasi darteed waa adag tahay inaan xaaladan ku garsooro kooxda.

“Laakiin waxaad aragtaa in ciyaartoyda ay mar walba baxayaan, marka ay baxayaan xilligaas waxa ay yihiin ciyaaryahanada ugu muhimsan ama kuwa ugu fiican, hadii ciyaartoy sidaas ah aad dhumiso mar kasta, waa inaad isku daydaa inaad kooxda dib u soo dhisto.

“Mr Wenger taas waa uu soo bandhigay inuu sameyn karo.

“Waa tababare weyn, waxa uu ina tusay inuu horumarin karo ciyaartoyda da’ yar, laakiin koobab in lagu guuleysto iyaga xitaa waa muhim.”

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip