Liverpool oo curudka CORONA dartii ku waayi karta koobkeedii ugu horreeyay ee EPL (Arrin cusub)

0
Friday February 28, 2020 - 23:21:38 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool oo curudka CORONA dartii ku waayi karta koobkeedii ugu horreeyay ee EPL (Arrin cusub)

    (Hadalsame) Tiiyoo ay jirto inay EPL ku hoggaaminayso 22 dhibcood, misna Liverpool ayaa waayi karta koobka Premier League haddii ay lacalla dhacdo inuu cudurka laayaanka ah ee coronavirus uu sabab u noqdo in fasal-ciyaareedka la joojiyo isagoo aan dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Hadalsame) Tiiyoo ay jirto inay EPL ku hoggaaminayso 22 dhibcood, misna Liverpool ayaa waayi karta koobka Premier League haddii ay lacalla dhacdo inuu cudurka laayaanka ah ee coronavirus uu sabab u noqdo in fasal-ciyaareedka la joojiyo isagoo aan dhamaanin.
 
Kooxda Jurgen Klopp ayaan sidaa darteed haysanin ”wax damaanad ah” oo ku saabsan in loo cimaamadi doono taajka horyaalka haddii uu xilli-ciyaareedku dhamaado isagoo dhicis ah, faafista fayruskan dartii, sida ku dhigan the Telegraph.

Warbixinta ayaa intaa raacinaysa in aanu jirin ”xeer mucayin ah oo arrintan ka yaalla” haddii ay arrintani dhacdo oo aan la dhamaystirin 38-ka kulan ee horyaalka oo ka kooban laba weji oo is wada arag sii jeed iyo soo jeed ah.

Waxaa sidoo kale dhici karta in dhamaanba 3-da kooxood ee u laaban lahaa heerka 2-aad ay baaqi kusii ahaadaan heerka 1-aad.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip