Muuqaal kooban oo ka hadlayo Taariikhda fog ee degmada Warsheekh (Muuqaal)

0
Sunday April 16, 2017 - 22:42:45 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuqaal kooban oo ka hadlayo Taariikhda fog ee degmada Warsheekh (Muuqaal)

    Degmada Warsheekh oo ku taala duleedka magaalada Muqdisho isla markaana 30Km dhinaca bari ka xigta caasimada dalka waa degmo leh taariikh fac weyn, iyadoo ay jiraan waxyaabo ay caan ku tahay sida dalxiiska kuna wanaagsan beeraha iyo kalluumeysiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Warsheekh oo ku taala duleedka magaalada Muqdisho isla markaana 30Km dhinaca bari ka xigta caasimada dalka waa degmo leh taariikh fac weyn, iyadoo ay jiraan waxyaabo ay caan ku tahay sida dalxiiska kuna wanaagsan beeraha iyo kalluumeysiga.


Shacabka ku nool degmada Warsheekh ayaa iyagu isku qeybiya laba dhinac, qaar waxay ka xoogsadaan Badda, qaar kalena waxay ku tiirsan yihiin beeraha iyo xoolaha kala duwan oo ay dhaqdaan.

Marka la eego taariikhda jiritaanka degmada Warsheekh oo ka badan 500-Sano waxay soo martay marxalado kala duwan iyadoo weli ay ku yaalaan dhismeyaal ay ka sameysteen guumeystayaashii Talyaaniga iyo Dowladdii Cusmaaniyiinta.

Waxaa ku yaala degmada Warsheekh xarun diimeedyo ay ka aflaxeen culumo magac ku leh dalalka caalamka iyo Soomaaliya, waxaana haatan halkaasi cilmi raadsada arday fara badan oo dhameeyay Qur’aanka Kariimka ah.

Guddoomiyaha degmada Warsheekh Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) ayaa isagoo fadhiya xeebta degmada Warsheekh waxa uu faahfaahin ka bixiyay waayihii ay soo martay degmadaasi, isagoona sheegay inay ka mid tahay goobaha dalxiiska ee dalka ku yaala kuwooda ugu wanaagsan.

 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip