Maalinta Haweynka Aduunka oo laga xusay Muqdisho & Gobolada Dalka
Munaasabaddo loogu dabaaldegayo maalinta Haweenka Aduunka oo ku beegan Sideedda Maarso ayaa maanta ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Dalkeenna.
Munaasabaddo loogu dabaaldegayo maalinta Haweenka Aduunka oo ku beegan Sideedda Maarso ayaa maanta ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Dalkeenna.
Munaasabadaha munaasabad ka mid ah oo ay ka qeybgaleen Wasiir Ku Xigeennada Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Wasiirudowlaha Wasaaraddaasi ahna ku simaha Wasiirka,xildhibaanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu qabtay hotelka Oriantal degmada Shibis ee gobolka Banaadir,waxaana munaasabadda khudbaddo kala duwan ka jeediyey mas’uuliyiinta ka qeybgashay.
Sidoo kalena Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay uuna ka qeybgalay duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,Gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Axmed Gaballe,Haween ka kala tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed kuwaasi oo iyagu Munaasabadda socod kusoo maray ayagoo sidoo kalena garaacayey astaanta Qaranka Dalkeenna.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in Haweenka Soomaaliyeed ay kaalin mug leh ku lahaayeen sidii loosoo samatabixin lahaa dadka iyo dalka mudadii uu bur burka jiray waxaana uu ku booriyey hooyooyinka Soomaaliyeed iney guryahooda ka dhaqan geliyaan sidii looga isticmaali lahaa cuntooyinka dalka.
Gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo munaasabadda khudbad ka jeedisay ayaa tilmaantay in Haweenka Soomaaliyeed ay mar walba u taaganyihiin sidii uu dalka ku gaari hormarka la hiigsanayo.
Dhinaca kale gobollada dalka ayaa waxaa si weyn looga xusay munaasabadda maalinta Haweenka Aduunka oo iyagu si isku mid ah looga xusay intabadan magaalooyinka dalkeenna.