Maryan Qaasim: "Daacuun kama Dilaacin Baladweyne"

0
Saturday March 30, 2013 - 15:39:31 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maryan Qaasim: "Daacuun kama Dilaacin Baladweyne"

    Wasiirka Horumarinta Adeegga Bulshada iyo wafdigii ay hogaamineyso ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegtay in uusan magaalada ka jirin cudurka daacuun Colooleedka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Horumarinta Adeegga Bulshada iyo wafdigii ay hogaamineyso ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegtay in uusan magaalada ka jirin cudurka daacuun Colooleedka.
Maryan Khaasim Axmed wasiirka hormarinta adeegga bulshada oo ay wehliyeen wasiirka kheyraadka dalka, agaasimeyaal ka tirsan waaxyaha hoos yimaada wasaaradda adeegga bulshada iyo dhaqaatiir ayaa booqasho ku tagay isbitalka weyn ee magaalada B/weyne iyo deegaanka Ceel Jaale halkaas oo ay ku jiraan dadkii uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

Wasiirka horumarinta adeegga bulshada iyo xubnihii la socday ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka, dhaqaatiirta gacanta ku hayso goobaha lagu daweynayo dadka qaba cudurka, saraakiisha ciidamada, Odayaasha dhaqanka iyo shacabka ku nool kuwaas oo ay ka dhageyteen warbixino kala duwan.

Wafdiga ka socday dowladda ayaa u kuurgalay xaalada caafimaad ee dadka bukaanka ah ee ku jira isbitalka magaalada iyo xarumaha ay dhiseen ciidanka AMISOM.

Ugu kuur galka kadib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka hormurinta adeegga bulshada Maryan Khaasim Axmed waxa ayna sheegtay in cudurka Daacuun Calooleedka uusan ka jirin gobolka Hiiran balse uu ka jiro cudurka shuban biyoodka hase yesheen xukuumaddu ay wado qorsheyaal ku aadan sidii loogu gurman lahaa dadkaasi.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamtay hadii hal qof ama laba qof oo laga helo cudurka daacuun calooleedka aanan la dhihikarin in dadka dhan ay wada qabaan cudurkaasi.

Wafdigan ka socda dowladda Soomaaliya ee maanta gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaana aheen wafdigii ugu horeeyay ee gaara B/weyne tan iyo markii uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip