Maxkamadda C.Q.S oo Maanta sii deysay Eedeysanayaal

0
Monday October 22, 2018 - 09:47:52 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda C.Q.S oo Maanta sii deysay Eedeysanayaal

    Saldhiga degmada Dharkenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay xafiisk Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side eed ka dhan ah Dable Cali Maxamuud Axmed, Cabdixaaji Bashiir, Axamed Cabdirisaaq Axmed iyo Cabdifatax Cabduqaadir Axmed oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saldhiga degmada Dharkenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay xafiisk Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side eed ka dhan ah Dable Cali Maxamuud Axmed, Cabdixaaji Bashiir, Axamed Cabdirisaaq Axmed iyo Cabdifatax Cabduqaadir Axmed oo kawada tirsan Ciidamada Asluubta kuwaasi oo ay soo gudbiyeen ciidanka deeganka Garsabaaley oo sheegay in ay dhac geysanayeen Afartoodaba.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isla maalintaas weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo afarta eedeysane xabsiga dhexe garsuge ahaan si’ ay u soo dhameystiraan caddeymaha kiiska.

06 bishan ayay xafiiska Xeer Ilaalinta codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista afarta eedeysane, waxaana sedax cisha kadib Maxkamadda muddeysay kiiska, fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa loo ballamay 11-ka bishan.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigi waayay wax dhaafsan eedda ay soo jeediyeen taliska Saldhiga Boliska Dharkenley iyo Ilaalada deeganka Garsabaaley.

Garsoorayaasha ayaa dalbaday in la keeno caddeymo dheeraad ah oo markale la isusgu soo noqdo fadhiga Maxkamadda.

18-ka bishan ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta la soo shir tageen kaliya in ay jirto in xilliya kala duwan dhac loo geysan jiray dadka deegaanka hasa ahaate xilliga afarta eedeysane la soo qabanayay aysan jirin wax dambi ah oo faraha ay kula jireen.

Qareenka u dooday afarta eedeysane ayaa fadhiga Maxkmadda ka sheegay in ay raggan ilaalo indha indheyn ah ay ka hayeen fadhigooda, waxa uu sidoo kale ku dooday in aysan jirin wax cadeyma ah oo lagu xukumi karo sidaas darteed uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xurriyadooda.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga Maxkamadda laba jeer oo kala duwan ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in la siiyo xurriyadooda afarta eedeysane hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip