Kala Shakiga Ictisaam & Alshabaab oo saameyay Masjidyada Nairobi.

2
Tuesday April 02, 2013 - 00:04:22 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kala Shakiga Ictisaam & Alshabaab oo saameyay Masjidyada Nairobi.

    Kadib Bayaanki Culimada Ictisaam ee ururka Alshabaab ku xukmiyeen iney ka dambeeyeen dilal dhowr ah oo loo geestay rag katirsan xarakadaasi ayaa waxey dhalisay in shaki xoogan iyo is qab qabsi kadhax bilowdo culimadi kala taageerta ururada Alshabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib Bayaanki Culimada Ictisaam ee ururka Alshabaab ku xukmiyeen iney ka dambeeyeen dilal dhowr ah oo loo geestay rag katirsan xarakadaasi ayaa waxey dhalisay in shaki xoogan iyo is qab qabsi kadhax bilowdo culimadi kala taageerta ururada Alshabaab iyo Ictisaam.
Xaalada labadaan koox ayaa baryihi ugu dambeeyay circa isku sii shareertay iyadoo goobaha ee culimadaan ku kala badan yihin laga dareemayay taxadiro dheeri ah .

Masjidka kuyaalo wadada 6th Street iyo kan Alhidaaya ee kuyaalo Wadada Jaamka oo dhamaan kawada tirsan Xaafada Soomalaida kubadan tahay ee Islii magaalada Nairobi ayaa dhamaan waxa lagu rakibayo Kaamirooyin leeska arko iyadoo sidoo kalena la baarayo dhamaan dadka doonayay iney ku dukadaan Masjidka iyo waliba kuwa darsiga u yimaado.

Qorshahaan cusub ee sameenayaan maamulada Masjidyadaani ayaa yimid kagadaal marka Sheekha weyn ee kooxda Icitsaam Sheekh Maxamed Umul oo si cad ufaray culiamda Kooxdasi iney adeegsadaan wax walba oo naftooda difaaci karo isagoo digniintaani ka sheegay qudbad uu ka jeediyay Masjidka 6th steet ee magaalada Nairobi.

Masjidyada kale ee Alxaq Palaz iyo kan kuyaalo wadada 3 Street ayaa iyaga waxa si caadi ah usocda howlahoodi dacwada iyadoo dadka bilaa baaritaan ee gali karaan gudaha isla markaana kudukan karaan.

Sidoo kale qilaafka xoogan ee xiligaan udhaxeeyo xarakada Alshabaab iyo Xarakada Ictisaam ayaa sidoo kale kufiday goobaha lagu qaxweeyo ee magaalada Nairobi ooh ore loogu arki jiray culimada xarakooyinka oo iyaga aan kala shakisaneen ku qaxweenaya xiliyada laga soo baxo goobaha shaqada.

Dadka indha indheeyo siyaasada Soomaaliya ayaa qaba in bayaanka ururka Ictisaam oo yahay mid fashil ah bacdama ee soo daahday dooda ee maanta muujiyeen ee ah in Shabaab Qaldan yihiin iyagoo dadkani ku eedeeyeen culimada Ictismaan in sanado badan ee ka war wareegeen mowqifkodoa ku aadan xarakada Alshabaab.

Dhanka kale Aragtiyo kale ayaa iyagana qaba in Bayaanka Ictisaam xili muhiim ah lagu soo beegay, si kasta oo ee ahaataba waxey tani daaha ka rogeesaa Qilaaf Hor leh oo kadhax qarxay culimadi mudada Sodonka Sano ee ugu dambeesay diinka kasoo bartay dalka Boqortooyada Sacuudiga isla markaana doonayay in miisaan xoogan kuyeeshaaan Siyaasada iyadoo sidoo kalena tani fursad siineeso fashilka kuyimiid kooxahaani Culimada Daruuqu Suufiyah oo iyaga mudo aad ufog kufaafinayay dalka Soomaaliya diinta Islaamka.iyagoo aan adeegsan wax qasab iyo jajuum toona .


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip