"Maalinta Saxaafada", Oday Cabdule:" Dadki iyiri Muqdisho Imaaw waa nabade Waa la dilay ":

0
Friday May 03, 2013 - 20:41:50 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maalinta Saxaafada", Oday Cabdule:" Dadki iyiri Muqdisho Imaaw waa nabade Waa la dilay ":

    Munaasabad lagu maamuusayey maalinta Saxaafadda Caalamka oo ku beegan maanta ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ayadoo munaasabadana ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad lagu maamuusayey maalinta Saxaafadda Caalamka oo ku beegan maanta ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ayadoo munaasabadana ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda.
C/risaaq Maxamed Bakistaan Xoghayaha Guud ee ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa faah faahin ka bixiyey dilalkii kala duwanaa ee sanadkan loo geystay saxafiyiinta Soomaaliyeed balse waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in qaar ka mid ah dhagarqabeyaashii saxafiyiinta dilalka u geystay iney dowladdu gacanta kusoo dhigtay oo qaarkood dil toogasho lagu xukumay.

Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi Gudoomiyaha gudiga Warfaafinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in Baarlamaanku ay u taaganyihiin sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliyeed taasina ay tahay waajib saaran ka gudi ahaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/shakuur Cali Mire oo isaguna Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ku tilmaamay dilalka saxafiyiinta Soomaaliyeed loo geysanayo iney yihiin kuwo looga golleeyahay in lagu hor istaago iney saxaafaddu bulshada u tabiso xaqiiqda jirta waxaana uu Wasiirku xusay iney dowladda ka go’antahay in cadaaladda la horkeeno dhagarqabeyaasha ka dambeeya dilalka saxafiyiinta Soomaaliya.

Dhanka kale Oday Cabdule waa Majaajiliste Caan ah oo Soomaaliyeed kuna nool magaalada Kampala ee wadanak Uganda tan iyo Sanadki 2010-ki Isagoo munaasabada maalinta Saxaafada Aduunka Awgeed lahadlayay Idaacada BBC-da ayuu qiray in wili dhibaato xoogan ee heesato Suxufiyiinta Soomaaliyeed isagoo dhanka kalena cabsi ka muujiyay nolosha Magaalada Muqdisho bacdama uu sheegay in Saaxibo badan oo dalka dib ugu laabtay kuwaasi oo majaajilistaha ka dalbanayay inuu dib usoo laabto iyagi la qaarjiyay .

"Waxa jiro kooxo doonayo iney aamusiyaan shacabka isla markaana kasoo reeba un in yar oo aragtidooda qaldan maqasha laakin taas waa diidnay waana iska hor imaanay oo mar walba oo ee i dhahaan Murtad waxa dhihi jiray caasi waaldeen aa tihiin " ayuu yiri Oday Cabdule

Sanad kasta maanta oo kale waxaa caalamka si weyn looga xusaa maalinta saxaafadda Caalamka oo ku beegan 3da bisha May ayadoo munaasabad walbana lagusoo bandhigo dhibaatooyinkii sanadkaasi saxafiyiinta soo maray.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip