Coll Maxamed Cabdullaahi Dhaqane oo kamid ahaa Saraakiishii dowladdii hore ee Soomaaliya ku tilmaamay wax laga xishooda fara gelin uu sheegay in Puntland ay ku hayso Magaalada Kismaayo iyo Maamuladeeda.
“Fara gelinta Puntiland ay ku heyso Kismaayo waxaa hor boodaya Cabdi Raxmaan Faroole oo ugu tala galay in uu fowdada sii wado. Waxa uu u diray nabadoonno uu ka mid yahay Suldaan Afguduud. Arintaas waa qalad maxa iska galay Jubalnd iyo Puntiland? Arintu dadka deegaanka ayey u taalla Faroole Ma kismaayo ayuu guri ku leeyahay. Ha daayo dhibkaas. waa wixii Soomaali dhigay halka ay tallo”, Coll Maxamed Cabdullaahi Dhaqane ayaa sheegay.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waayihii ugu danbeyay waxaa ka taagnaa muran Siyaasadeed oo u dhexeeya Maamulka Axmed Madoobe iyo Dowladda Federal-ka Soomaaliya, iyada oo kooxda Raaskanbooni ee Axmed Madoobe uu hogaamiyo taakulenyta ugu balaaran ee dowlada ay uga soo hor-jeedaan ay ka helaan Faroole iyo dowlada Kenya.
Coll Maxamed Cabdullaahi Dhaqane ayaa waxa uu intaa sii raaciyay in maamulada Kismaayo ka jira dadka hogaamiya aysan aheyn kuwa asal ahaan u dhashay deeganadaasi kana yimid gobolo kale.
Waanada Coll Maxamed Cabdullaahi Dhaqane ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa iyada oo Cabdi Raxman faroole uu maalin kasta ku doodo in dowlada Soomaaliya ay dhitaaba ku heyso maamulka Jubaland oo uu ku tilmaamay in ay yihiin maamul xaq ah oo wada dhameestirkii federal-ka.
Khuburo meleteri oo Faroole uga digay in uu ka waantoobo qaska uu ka wado Kismaayo.
Coll Maxamed Cabdullaahi Dhaqane oo kamid ahaa Saraakiishii dowladdii hore ee Soomaaliya ku tilmaamay wax laga xishooda fara gelin uu sheegay in Puntland ay ku hayso Magaalada Kismaayo iyo Maamuladeeda.