Dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Raas-kanbooni oo maanta dagaalamay.

0
Saturday June 15, 2013 - 16:40:22 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Raas-kanbooni oo maanta dagaalamay.

    Wararka laga helaayo magaalada Hoosingoow ee gobalka J/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal uu dhex maray Maleeshiyaadka Raas-kanbooni ee Axmed Madoobe ka amar qaata iyo ciidamada dowlada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helaayo magaalada Hoosingoow ee gobalka J/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal uu dhex maray Maleeshiyaadka Raas-kanbooni ee Axmed Madoobe ka amar qaata iyo ciidamada dowlada Soomaaliya.
Dagaalkaan ayaa wali waxa aan la sheegin waxa uu ka dhashay hasa yeeshee warar soo baxaya ay sheegayaan in 14 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen, iyada oo ugu danbeynna arinta la dhex galay oo xaalada la dejiyay.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay ku warameen in dagaalku marka uu bilaawday ciidamada Kenya oo deegaankaasi ku sugan ay bilaabeen madaafiic xooggan oo ay ridayeen inkasta oo aan la garan sabata iyo in ay ku taageerayeen maleeshiyaadka Axmed Madoobe.

Dagaalka maanta ayaa waxa uu imaanayaa maalma kadib markii la xaliyay oo xabad joojin ay ka dhaqan gashay Kismaayo oo ay ku hardameenlama maleeshiyo oo ay kala wateen Axmed Madoobe iyo Axmed Baasto oo kamid ah lixda nin ee sheegatay in ay Kismaayo Madaxweyne ka yihiin.

Deegaanada Jubooyinka oo xasaradoodu ay kacsaneed waayahaan ayaa mar kasta waxaa laga filan karaa dagaal dhex mara Maleeshiyaadka Jabhada Raas-kanbooni iyo ciidamada dowlada ee halkasi kusugan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip