Wararka laga helaayo deegaanka Taabta ee Gobalka Jubada Hoose ayaa waxa ay xaqiijinayaan in habeenkii xalay ahaa duqeyn tii ugu darneed lala eegtay Saldhig deegaankaasi ay ku leeyihiin ciidamada Selarone oo kamid ah ciidamada AMISOM ee ka howl gala Soomaaliya.
Duqeyntaasi wali lama sheegin cid wax ku noqotay hasa yeeshee waxa ay qeyb ka noqoneysaa soo dhaweyn Shabaabku u semeynayeen waayihii dhawaa ciidankaasi oo soo gaaray dalka Soomaaliya bishii la so dhaafay si ay qeyb uga noqdaan ciidamada AMISOM ee dalkaan ka howl gala.
Horay ayaa sidaan oo kale ciidamada Sealorne waxaa loogu weeraray deegaanno ay ku sugnaayeen, inkasta oo wali aan lasoo tebin qasaara la taaban karo oo dagaladaasi ku gaaray.
Al-shabaab ayaa horay waxa ay ugu goodiyeen in ciidan kasta oo dalkaan soo gaara ay weeraroo isdaba jooga ah ku qaadi doonaan si ay ugu qasbaan in ay dalka si dhaqsa ah uga baxaan.
Dalka Soomaaliya waxaa xilligaan ka howl gala ciidamo ka socda dalalka Jabuuti, Burundi, Uganda, Kenya iyo Seralone oo dhamaan huwan magaca AMISOM iyada oo ay intaa dheertahay Ciidamada Ethiopia oo iyana Soomaalida deegaanno kamid ah ka howl-gala, waxaana la sheegaan dhamaan in ciidankaasi ay dowlada Soomaaliya gacan siinayaan
Ciidamada Seralone ee kamid ah AMISOM oo salahdig ay lahaayeen duqeyn lagu harqiyay.
Wararka laga helaayo deegaanka Taabta ee Gobalka Jubada Hoose ayaa waxa ay xaqiijinayaan in habeenkii xalay ahaa duqeyn tii ugu darneed lala eegtay Saldhig deegaankaasi ay ku leeyihiin ciidamada Selarone oo kamid ah ciidamada AMISOM ee ka howl gala S