Xaflad Qur’aan Qatin ah oo lagu qabtay magalada London (Sawiro)

0
Friday July 05, 2013 - 00:36:38 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xaflad Qur’aan Qatin ah oo lagu qabtay magalada London (Sawiro)

    Waxa marka taariikhdu aheyd 30-June-2013 magaalada London gaar ahaan South Eastka bisha June 30ka 2013 (22 Sha'baan 1434) lagu qabtey Xaflad lagu soo qatimayay qur’aan aqriski sanadki inasoo dhaafay ee aqrinayeen Jameecada Ahlusunah Waljam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa marka taariikhdu aheyd 30-June-2013 magaalada London gaar ahaan South Eastka bisha June 30ka 2013 (22 Sha'baan 1434) lagu qabtey Xaflad lagu soo qatimayay qur’aan aqriski sanadki inasoo dhaafay ee aqrinayeen Jameecada Ahlusunah Waljamaac ee wadanka Ingiriiska.
Qatinka Qur’aan aqriskaani oo sanad walba xiligaan oo kale ladhigo ayaa waxa munaasabadaani soo xaadiray culuma’udiin iyo waxgaradka kunool magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Qadmooyin Qur’aan ah , Mowliidka Nabiga (NNKH) iyo salawaad aad umacaan badan ayaa waxa halkaa ka aqriyay culimadi kasoo qeybgashay iyadoo gaba gabadiina uu halkaasi ka duceeyay Sheekh Maxamed Kulmiye oo ahaa hogaamiyaha Jameecada Ahlusunah Waljamaac ee guud ahaan wadanka Uk gaar ahaan Magaalada London.

Gunti iyo gunaanadki munaasabada ayaa waxa halkaasi loogu duceeyay dhamaan inti kasoo qeyb qaadatay mudada sanadka aheed raatibyadi soo socday, culuma’udiinka ayaa sidoo kale guud ahaan umada Muslimiinta gaar ahaan dadka soomaaliyeed ugu duceeyay nasri deg deg ah inuu ilaah siiyo,

Madaxa Xafiiska Shabakada Warsheekh ee magaalada London Maxamed Cabdiyare oo kamid ahaa jameecadi kaqeybgashay Munaasabada ayaa kusoo waramaya in jawi aad ufarxad badan ee kusoo gaba gabowday munaasabada qiimaha badneed oo maalintaa eesan ukala harin jameecada Ahlusunah Waljamaac ee kusugan magaalada London.












Sawir Qaade: Max'ed Cabdi Yare
Dhamaad

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip