Maxamed Cusmaan oo ah Afhayeenka maamulka G/Banaadir ayaa Warbaahinta u akhrinayay wareegtada ka soo baxday Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir wuxuuna sheegay in muddo toddobaad ah gudihiis ay boorarkooda uga fujiyaan shirkadaha xayeysiintooda ku dhejiyay isgoysyada Muqdisho.
Guddoomiyaha maamulka G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsanwareegto ka soo baxday xafiiskaayaa lagu mamnuucay in boorarka xayeysiimaha ee lagu dhejinayo isgoysyada Muqdisho, iyadoona wareegtada lagu caddeeyay waqti loo qabtay shirkadaha boorarkooda ku dhejiyay qaar ka mid ah isgoysyada Muqdisho.
Afhayeenku daboolka ka qaaday in haddii ay shirkaduhu u hoggaansami waayaan wareegtada maamulka ay muteysaneyso ganaax lacageed oo aanu carabaabin, wuxuuna hoosta ka xariiqay in maamulku uu qaadayo tallaabooyin kale oo aanu carabaabin.
Awaamiirta ka soo baxday maamulka gobolka Banaadir ayaa dhinaca kale saameyn ku yeelaneysa shirkadaha waaweyn ee iyagu xayeysiimahooga ku dhejiyay isgoysyada magaalada Muqdisho oo haatan laga taagay waddooyinka magaalada.
Maamulka G/Banaadir oo isgoysyada Muqdisho ka mamnuucay Tabeelayaasha shirkadaha
Maxamed Cusmaan oo ah Afhayeenka maamulka G/Banaadir ayaa Warbaahinta u akhrinayay wareegtada ka soo baxday Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir wuxuuna sheegay in muddo toddobaad ah gudihiis ay boorarkooda uga fujiyaan shirkadaha xayeysiintooda ku