QM oo eedeyn u jeedisay ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya

0
Sunday July 14, 2013 - 18:10:12 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo eedeyn u jeedisay ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya

    War bixinta ayaa bixisay iftiinkaku aadan in macaash yar ay ka heli karto Al-shabab dhoofinta dhuxushaasi taasi oo adkeen karta in Shabaab laga jaro lacagaha gacantooda ku dhacaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War bixinta ayaa bixisay iftiinkaku aadan in macaash yar ay ka heli karto Al-shabab dhoofinta dhuxushaasi taasi oo adkeen karta in Shabaab laga jaro lacagaha gacantooda ku dhacaya.
War bixin sir ah oo laga helay kooxda la socodka QM ugu qaabilsan arimaha cuni qabatenada Somalia iyo wadanka Eretria ayaa lagu shegen eedeyn loo jeediyay ciidamada kenya ee qeybta ka ah ciidamada nabad dhaliyaasha ee taabacsan Ururka Midowga Africa ee Somalia ka howlgala kuwasi oo la sheegay in ay fududeenayaan dhoofinta dhuxusha taala magaalada Kismaayo oo horey xayiraad looga soo rogay Somalia in aan dhuxusha laga dhoofin Somalia iyadoo laga baqay in lacagta kasoo baxda ay gacanta ugasho Xarakada Al-shabab oo iyada la dagaalamaysa xukuumada Somalia.

Ciidamada kenya ayaa beeniyay eedenta looso jeediyay ee kasoo baxday kooxda la socodka QM ee arimaha cuni qabteenta Somalia iyo Eretria.

War bixintaani ayaa lasoo dhamaystiray inta uusan dhicin dagaalki ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta G-jubada hoose.

Golaha amaanka QM ayaa bishii February sanadii 2012-ka waxa uu Somalia kusoo rogay xayiraad kuaadan inaan dalka laga dhoofin karin dhuxusha wadanka laga soo saaro oo la sheegay in ay ilo muhiim ah oo ay dhaqaalaha ka helaan u noqotay Xarakada Al-shabab.

War bixintaani aya waxa ay sharaxaysa meesha rasmiga ay kenya kasoo amba qaaday fududeenta dhoofinta dhuxusha.

Kenya ayaa Somalia u soo gashay sidi ay dowlada Somalia uga taageri laheyd Xaradaka Al-shabab la dagaalankooda waxana u suurta gashay in Shabaab ay ka saran magaalada Kismaayo.

Kadib markii ay Shabaab isaga baxeen magaaladasi,kenya waxa ay warqad ay u dirtay Ururka Midowga Africa oo ay ugu sheegayso in ay golaha amaanka QM ku war galiyaan in si KMG ah loo qaado xayiraada saran dhoofinta dhuxusha Somalia.

Kenya oo fikrada noocaasi oo kale ah taagertay ayaa waxa ay xujo ay ka dhigtay in ganacsatadii Kismaayo ee dhoofin jirtay dhuxusha ay aad uga carowdeen xayiraada laga saaray inay dhuxusha u dhoofiyaan caalamka midaasna ay ku tilmaamen in ay ka baqeen in nidaamka amaanka ciidamada kenya ay wax u dhinto.

War bixinta sidoo kale waxa ay leedahay markii uu soo baxay go'aanka golaha amaanka QM ee xayiraada lagu soo rogay dhoofinta dhuxusha in ciidamada kenya iyo hogaamiyaha Ururka Raskamboni ay go'aan ku gaaren bilawitaanka dhoofinta dhuxusha.

Cor.seyris Aguna oo ah afayenka ciidamada kenya ee Somalia Al-shabab kula dagaalamaya ayaa shegay in kenya aysan taageri doonin nooc walbo lagu doonayo in dhuxul looga dhoofiyo magalada Kismaayo.

Aguna waxa uu cadeeyay in aysan ciidamo kaga sugneyn degada Kismaayo waxana uu shaaca ka qaday degada inay maamulayaan maamul ay soo dhiseen masuuliyin uu shegay inay hoos tagaan mamaulka Juba-land.

AMISOM kama hadlin dalabka kenya ee ku aadana in la qaado xayiraada saran dhoofinta dhuxusha Somalia.

War bixintaani sirta ah ay heshay wakaalada warar Reuters ayaa lagu sheegay in kenya ay ku wargalisay kooxda la socodka arimaha Somalia in ay handaad kala kulmiyaan gaanacsatada magaalada Kismaayo.

Kooxdaasi warbixintooda oo ay ka koobneed 500-bag ayaa lagu sheegay in suurta gal ay tahay in la filan karo gacan ka hadalka belaha daga magaaladasi e dhanka dhoofinta dhuxusha.

War bixintaani cusub ee laga soo saray xukuumada Nairobi ayaa laga yabaa inay caro galiso xukuumada Somalia oo kenya ku eedeysa in ay ka qeyb qaadatay dagaalkii ugu danbeyey e ka dhacay magaalada Kismaayo iyadoona kenya ay eedentasi iska fogeysay.

Kooxda waxa ay sheegtay in madaxweynaha Somalia mudane Xasan Shiiq Maxamuud uu ka dalbaday midowga Afrika bishii October sanadii 2012-ka in la sii joogteeyo in degada Kismaayo aan laga dhoofin dhuxusha.

War bixinta ayaa lagu sheegay in taliyaha ciidamada midowga Afrika uu been u sheegay madaxweynaha Somalia.

Waqti danbe 26-kii bishii October sanadii 2012 ku xigeenka taliyaha ciidamada midowga Afrika ee arimaha howglaka iyo qorsheenta oo ka socda kenya Major General Simon Karanja waxa uu u sheegay madaxweynaha Somalia inaysan jirin wax shixnado ama dhaq dhaqaq ka socda degada Kismaayo isagoo og inay jiraan in la meel maray xayiraadi dhuxusha saarned.

Koxda waxa ay sheegtay in ay weli jiraan ganacsata iyo shabakadaha kale ay Shabaabku weli ay dhaqalaha ay ka helayaan.

War bixinta oo dhered kooxda waxa ay shegtay inuu jiro ganacsade ku sugan Kismaayo xiriirna la leh Xarakada Al-shabab kana so jeeda beesha Mareehan oo lagu magacaabo Hassan Mohamud Yusuf kuna magac dheer Awlibaax, ahna madaxa ganacsatada Jubooyinka oo xirirna la leh ganacsade weyn oo ku sugan magaalada Duabi Saleh Da'ud Abdulla oo la sheegay inuu dhuxusha kaganacsado waxa uu xirir la leeyahay Xarakada Al-shabab.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip