Dunida Muslimka Oo Isku Diyarinaya Munaasabadda Dhalashada Nabiga (CSW)

0
Saturday February 14, 2009 - 22:46:11 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dunida Muslimka Oo Isku Diyarinaya Munaasabadda Dhalashada Nabiga (CSW)

    Bisha mowliid oo ah bil ku wayn umadda islaamka ah , ahna bil aad ay u qadariyaan oo ah bishii aduunka la keeney nabigeennii suubanaa NNKH , bishaas oo carabi ahaan la yiraahdo ( Rabiicul awwal ) oo maalma un nooga harsantahay ayaa Islaamku meel walb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bisha mowliid oo ah bil ku wayn umadda islaamka ah , ahna bil aad ay u qadariyaan oo ah bishii aduunka la keeney nabigeennii suubanaa NNKH , bishaas oo carabi ahaan la yiraahdo ( Rabiicul awwal ) oo maalma un nooga harsantahay ayaa Islaamku meel walba oo uu joogo waxa uu isku diyaarinayaa sidii uu maalintaas weyn uga qeybqaadan lahaa ayadoo la xardhayo oo la hagaajinayo meelaha ku haboon in lagu dhigo munaasabdda .


Qaar kamid ah wadamada Islaamka ah ayaa dadka muslimiinta ah ee kunooli waxa ayba munaasabadaan u sii dabaal dagaan ayadoo aan la gaarin , qaar ayaaba durbaba bilaabey bishan dhamaadka marayso ee safar oo ah bisha 2-aad ee taariikhda hijriyada ka horeysana rabiicul awwal oo ah bisha sedexaad ee hijriga oo uu dhashay rasuulkeenii muxamed SCW , xaflado looga hadlayo siirada Nabi muxammed SCW .

Hogaamiyaha Dalka Liibiya Mr: Mucammer Al-qadaafi ayaa waxa lagu sheegaa in uu yahay madaxweynaha kaliya ee sida weyn munaasabadaasi uga qeyb qaatay , isagoo malaayiin dollar ku bixiya Dhalashada nabiga SCW . Mowlidkii sanadkii hore waxa uu Mucammer al-qadaafi munaaasabad weyn oo heersare ah kana soo qeybgaleen madaxweynayaal caalamka ah , iyo waliba dadweyne ka kala socda dalalka islaamka ah uu ku qabtay magaalo madaxda dalka Uganda ee Kampala , ayadoo halkaasi lagu soo bandhigay Nabi amaano iyo khudbado diini ah oo ay soo jeedinayeen muftiyo caanka ka ah dalalka Islaamka .


Hadaba waa sidee diyaargarowga Umadda Islaamka ah ee soomaaliyeed dal iyo dibadba , Gudaha dalka soomaaliya aadbey dadku isku diyaariyeen ayadoo la filayo in ay munaasabadaasi weyni ka qabsoonto min tuulo illaa magaalo ayadoo culumadu ay dadka ka dharjindoonaan Siiradii Nabigeennii Suubanaa SCW iyo Nabi ammaano farabadan .
dadweynaha soomaaliyeed ee dibadda dalka uga maqan ayaguna sidoo kale ayey wadaan diyaargarowga bisha barakaysan ee Mowliid .

Culumada Ahlu-sunna wal-jamaacah ee ku sugan magaalooyinka Nairobi iyo Kampala ee dalalka Kenya iyo Uganda ayaa waxa ay wadaan diyaar garowgii ugu danbeeyey oo ay isugu diyaarinayaan Mowliidka .

Isku soo wadaduuboow , Bishaan aadka u qiimaha badan ee maalmaha un nooga harsanyihiin , ayaan waxaan aqristayaasha u balan qaadeynaa in aan si talan taali ah ugu soo gudbin doonno inta badan meelaha ay munaasabadaan ka dhacdo Insha allaah .


W/Q:Axmed Mahdi Maxmed (Khadar )
Tel:+256-777050100 Email :axmedmbc@hotmail.com ama
axmedmbc@yahoo.com
Kampala-Uganda

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip