Camerada Madarka Hargeysa oo qabatay saacad qiimaheedu yahay $7000 oo laxaday

0
Saturday August 24, 2013 - 09:47:59 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Camerada Madarka Hargeysa oo qabatay saacad qiimaheedu yahay $7000 oo laxaday

    adex cisho ka hor waxa madaarka Hargeysa lagu xidhay laba ka mid ah shaqaalaha ka hawl gala qalabka amaanka ee lagu baadho dadka ka dhoofaya kana soo degaya madaarka Hargeysa kadib markii Kamaradaha ku xidhan qaybta dadka lagu baadho soo saareen mid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

adex cisho ka hor waxa madaarka Hargeysa lagu xidhay laba ka mid ah shaqaalaha ka hawl gala qalabka amaanka ee lagu baadho dadka ka dhoofaya kana soo degaya madaarka Hargeysa kadib markii Kamaradaha ku xidhan qaybta dadka lagu baadho soo saareen mid ka mid ah shaqaalaha Madaarka oo qaadanaya saacadda $7000 ah oo wakhtigaas Wasiirku ku iloobay mid ka mid ah sanaaduuqda yar yar ee ah la dul dhigto qalabka biraha ah marka dadka la baadhayo. Saacada laga xaday Wasiirka oo ah mid qaaliya marka loo Eego Somaliland waxa la xaday mar uu wasiirku madaarka u tagay qalab u saarnayd mid ka mid ah Duulimaadyada madaarka imanayay wakhtigaas oo ahayd Casar, waxaanay wararku sheegayaan in marka hore la iloobay balse marka danbe uu ka faa’iidaystay mid ka mid ah shaqaaluhu.

Wasiirka oo mar danbe ogaatay maqnaanshaha saacada ayaa la sheegay in ay goobta ku soo noqotay si ay u baadi doonto, taasoo kaliftay in dib loo soo celiyo Kamaradaha ku qarsoon goobta dadka lagu baadho, kuwaas oo markiiba soo bandhigay qof saacadda ka qaadaya caaga qalabka la dul dhigto oo yaalay Miiska dhinacaiisa dadweynuhu ku hagaajistaan marka ay soo dhaafaan Kombuyuutarka.

Labada shaqaalaha ah ee la xidhay mid ka mid ahi waa ka ay kamaradu soo saartay isagoo jeebka sii gashanaya, halka ka kale la sheegay in uu yahay kii markaas Kombuyuutarka dul fadhiyay eek u hawl galayay, waxaana labadaba lagu eedeeyay in ay ka masuuol ahaayeen falka dhacay.

Ilaa hada sida ay Ilo wareedyo u dhuun daloola warkani ayaa xaqiijiyay inaan wili lahelin saacadii oo way maqan tahay, hase yeeshee ilaa maalintaas ilaa maanta oo noqonaysa Afar cisho waxa ay u xidhan yihiin labadaas shaqaalaha ahi Kiiskaas oo haddii uu ku cadaado saamayn ku yeelan doona adeega madaarka Hargeysa.

Sheeko tan la mid ah ayaa dhawaan ka dhacday Madaarka Berbera, taasoo lagu qabtay nin dhalashadiisu Kiiniyaati ahayd oo ka shaqayn jiray Hay’adaha UN-ka isagoo qaatay Shandad uu sitay sarkaal kale oo Somalilander ah o oak hawl gala isla Hay’adaha Caalamiga ah, waxaana si la mid ah dhacdadan madaarka Hargeysa kashiftay Kamaraha ku yaala Terminalka Madaarka.

Xigasho: Waaheen

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip