Wasiir Ciilmooge: "Sanadkaan gudihiisa waxaan howlgaleyneynasa afar diyaaradood oo

0
Monday August 26, 2013 - 08:08:10 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ciilmooge: "Sanadkaan gudihiisa waxaan howlgaleyneynasa afar diyaaradood oo

    Wasiirka Warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xersi ayaa daboolka ka qaaday in adeegyadii diyaaradii Somaliland Airlines dib loo soo celinayo muddo 22-sano ah kaddib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xersi ayaa daboolka ka qaaday in adeegyadii diyaaradii Somaliland Airlines dib loo soo celinayo muddo 22-sano ah kaddib. Wasiirka Warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xersi ayaa daboolka ka qaaday in adeegyadii diyaaradii Somaliland Airlines dib loo soo celinayo muddo 22-sano ah kaddib.

Waxa uu sheegay Wasiirka in saddexda bil gudahood ay howl gelin doonaan shirkadii duulimaadyada Somaliland Airlines, wuxuuna xusay in dadka degan xarumaha shirkadda diyaaradaha Somali Airlines isaga guuraan halkaasi.

"Sanadkaan gudihiisa waxaan howlgaleyneynasa afar diyaaradood oo shirkadda Somalines ah" ayuu yiri Wasiir Ciilmooge oo sheegay dhinaca kale in la soo dhameystirayo dhammaanba shaqaalihii shirkadaasi.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradiisu ka go'an tahay sidii ay dib ugu howlgelin laheyd dhammaan xarumihii Shirkadda duulimaadyada Somali Airlines, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sanadkaan gudihiisa la dhameystirayo dhammaanba adeegyadii shirkaddu lahayd.

"Dadka degan xarumaha shirkadda Somali Airlines waxaan ugu baaqayaa mar kale inay isaga guuraan, si logu adeego shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip