Waxaa maanta qabsoomay shirkii bilaha ahaa ee xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Koleyga waxaana lagu lafa gurey mudadii bisha ahayd ee lasoo dhaafay waxyaabihii u qabsoomay Xiriirka waxaana goob jog ka ahaa dhamaan gudiga fulinta Xiriirkaas.
Waxaa maanta qabsoomay shirkii bilaha ahaa ee xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Koleyga waxaana lagu lafa gurey mudadii bisha ahayd ee lasoo dhaafay waxyaabihii u qabsoomay Xiriirka waxaana goob jog ka ahaa dhamaan gudiga fulinta Xiriirkaas.
Ajandayaasha lasoo gudbiyey waxaa kamid ahaa habsami usocodka koobka Jenaral daa uud caqabado sidoo kale la sheegey in loobaahanyahay in laga gudbo iyo wax kabadelka jidwalka koobkaaas.
Kaaliyaha Xoghayaha Xriirka Soomaaliyeed kubadda koleyga Cabdi Cabdulle (Baasaale) ayaa gudiga fulinta ka hor aqriyey ajandaha shirka dood kadibna dhamaan waalaysku raacay waxyaabihii laga doodey shirka ayaa isku raacay maalin walba laciyaaro koobka Jenaral Daa uud halkii sitimaankii laga ciyaari jirey shan maalmood.
Gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed kubadda koleyga mudane C.laahi nuur maxamed (Caddaani) ayaa sheegey in dalka ay keeneen ciyaaryahan caan ah oo horey ugu soo ciyaaray xulaka qaranka dalkeena waa ciyaaryahan Shiikha oo tababar siin doonna ciyaartooyda iyo Macalimiinta kooxaha dalka sidaa darteedna ay u ciyaarsiinayaan maalin walba kooxaha dalka.
Dhanka kale waxaa lagu dhawaaqay Ciyaar yahano lasheegey in laganaaxay isla markaan aysan ciyaari doonin afarta sano ee soo socotta markii ay jebiyeen sharciga u yaalla Xiriirka Kubadda Koleyga una hogaansami waayeen ganaaxa lasaaray bixina waayeen lacagihii horay loogu ganaaxay.
Ciyaartooyda laganaaxay waxay kala yihiin.
1 Faysal C.waaxid axamed No=12 kooxda Action Valle
2 Saciid Axmed Xaaji No- 9 kooxda Action Valle
3 Axmed Abuukar Baroow No= 8 kooxda I L S
4 Iimaan Axmed Mxamed No=7 kooxda Action Valle
Dhmaan ciyaartooydaas ayaa gudiga fulinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleygu isku raaceen in laganaaxo isla markaan dhamaan laga joojiyey ciyaaraha kubadda koleyga mudad xiriirkan uu shaqaynayo oo ah afarsano waxaana sidoo kale digniin loo diray ciyaartooyda iyo kooxaha digniintaas oo ah in ay ilaaliyaan shuruucda xiriirka haddii kale ay mari doonaan ciqaab tan lamida.
Sabatoo loo ganaaxay ciyaartooydaan ayaa ah markii dagaal bareer ah oo gacanta layskula tegay ay sameeyeen intii uu socday koobka Jenaral Daa uud ee dalkeena markii laganaaxayna aysan bixin lacagta lagu ganaaxay oo looga doonayey ineey kubixiyaan muddo laba maalmood gudaheed ah ama rafcaan kaqaataan 24 saac gudahood mana aysan samayn midna.
Tan iyo markii ladoortay madaxda Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliya ayaa waxay wadeen dar dark u aaddan dib usoo noolaynta Ciyaarta Kubadda Koleyga oo mugdi kujirtey sanadihii danbe waxay dhiseen oo qurxiyeen garoonka hadda loogu magacdaray halyeygii hore Wiish waxayna keeneen qalab casriya oo ah kan caalamka looga ciyaaro waxaana lafilayaa isbedel in uu yimaado.
WQ Caydiid C.Raxmaan Aadan
Xiriirka K/koleyga oo ganaax ku soo rogay Ciyaartooy
Waxaa maanta qabsoomay shirkii bilaha ahaa ee xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Koleyga waxaana lagu lafa gurey mudadii bisha ahayd ee lasoo dhaafay waxyaabihii u qabsoomay Xiriirka waxaana goob jog ka ahaa dhamaan gudiga fulinta Xiriirkaas.