Magaalada Muqdisho Oo Bandow Lagu Soo Rogay

0
Sunday February 05, 2017 - 14:31:38 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Muqdisho Oo Bandow Lagu Soo Rogay

    Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in maalmaha soo socda Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho la xiraayo .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in maalmaha soo socda Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho la xiraayo .

Duqa Muqdisho, ayaa sheegay laga bilaabo berri maqribkii inay xiran yihiin Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayna sii xirnaan doonaan maalmaha Talaadada iyo Arbacada ee ina soo aadan.

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Shacabaka u sheegay ineysan dhibsan Labada maalin ee Wadooyinka xiran yihiin maadaama Arbacada ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinta Arbacada ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Afarta Sano ee soo socota.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip