Madaxweynaha oo Casho Sharaf u sameeyey ka qeybgalayaashii Shirka Siyaasadda (Sawiro)

0
Saturday September 07, 2013 - 01:58:37 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2039
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo Casho Sharaf u sameeyey ka qeybgalayaashii Shirka Siyaasadda (Sawiro)

    Muqdisho 07 September 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa xalay xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyey ka soo qeybgalayaashii Shirka Siyaasadda oo shalay lagu soo gabogabeeyey Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho 07 September 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa xalay xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyey ka soo qeybgalayaashii Shirka Siyaasadda oo shalay lagu soo gabogabeeyey Muqdisho Xafladan casho sharafta waxaa ka soo qeybgalay Marwada Madaxweynaha Marwo Qamar Ali Omar, Ku-Simaha Ra'iisul Wasaaraha ahna Ra'iisul Wasaare Ku xigeen & Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam, Wasiiro, xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada iyo marti sharaf kale.

Xafladan ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha, Ku-Simaha Ra'iisul Wasaaraha, Wasiir-ku xigeenka Warfaafinta oo ku hadlayey magaca guddga qabanqaabada Shirka Siyaasadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir, ahna Duqa Muqdisho iyo Caasho Geelle.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ka soo qeybgalayaasha waqtigooda qaaliga ah, isla markaana ka codsaday inay Dowladda la shaqeeyaan isla markaana ballanqaaday talo soo jeedintii shirka siyaasadda inay dowladdu dhaqangelin doono. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay warbixintii ay hay'ado caalami ah oo ku takhasusay arrimaha baaritaanka musuqmaasuqa iyo garyaqaano caalami ah oo ay sheegeen in eedeymihii Guddiga dabagalka ee QM ay ahaayeen kuwo aan sal iyo baar toona laheyn.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sababta dowladdu ay uga codsatay hay'adahan caalamiga ah inay baaraan in musuqmaasuq dalka ka jiro ay aheyd in haddii la helo cid musuqmaasuq ku kacday in tallaabo laga qaado. Waxaana aan ku faraxsanahay in baaritiinkii uu soo gabogaboobay isla markaana la ammaanay shaqaaalaha Bankiga dhexe iyo maaliyadda sida ay u shaqeeyaan iyo in dhammaan eedeymihii musuqmaasaqa ay wada ahaayeen kuwa aan waxba ka jirin.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip