Shirkaan ayaa wasxaa kasoo qeyb-gili doonno hey'adaha deeq bixiyayaasha Caalamka iyo Dowladda Fidraalka Soomaaliya ayadooba lagu kala saxiixan doonno maalinta isniinta ah qorshe muddo saddex sano ah kaasi oo dib loogu dhisayo dalka Soomaaliya sid ay qortay wakaalada wararka ee Reuters . Shirka ayaa waxaa Jajjo weyn ka muujiray midowga Yurub in qorshaha taageerada
dhaqaalaha Somalia uu gaaro inka badan hal bilyan oo Yuuro oo wax loogu
qabanayo dalka Soomaaliya.
Shirka ka dhacaya magaalada Brussels
ee dalka Belgium ayaa waxyaabaha sida aadka looga hadli doono waxaa
kamid ah arimaha dhanka ammaanka dalka dagaalada ay ka taagnaayeen tan
iyo waxii ka dambeeyay 1991.
Nick Westcott, oo ah diblu maasi
sare oo katirsan midowga Yurub ayaa sheegay in shirka Isniinta ee
arimaha Somalia uu yahay mid wax weyn ka tari kara dib u dhiska
siyaasada dalka Somalia.
"Waxaan bilownay inaan eegno 20 sano
kadib qilaafaadkii Soomaliya oo sii dhamaanaya annagana si wadajir ah
ayaan u garab qabanaynaa”ayuu yiri diblumaasigaasi dhanka Africa u
qaabilsan Midoga Yurub.
Shirka ka dhacaya dalka Belguim ayaa
waxaa ka qeyb galaya ku dhawaad 50 wafuud heer caalami ah oo ay ku
jiraan dalalka Africa Mareykanka, Japan, Shiinaha, wadamada carabta qaar
iyo waddamada ku bahoobay midowga yurub.
Midawga Yurub oo rajjo weyn ka qaba shirka ka dhacayo Rressales ee arimaha Soomaalia
Shirkaan ayaa wasxaa kasoo qeyb-gili doonno hey'adaha deeq bixiyayaasha Caalamka iyo Dowladda Fidraalka Soomaaliya ayadooba lagu kala saxiixan doonno maalinta isniinta ah qorshe muddo saddex sano ah kaasi oo dib loogu dhisayo dalka Soomaaliya si