Wadooyinka Muqdisho oo ubaryay Waa Cusub !! (Sawiro)

0
Sunday September 15, 2013 - 21:32:50 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadooyinka Muqdisho oo ubaryay Waa Cusub !! (Sawiro)

    Wasiirka arrimha gudaha iyo ammaanka qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi oo maanta kormeeray mashruuca dowladda Turkiga ay kawaddo magaalada Muqdisho ee ku saabsan dacya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimha gudaha iyo ammaanka qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi oo maanta kormeeray mashruuca dowladda Turkiga ay kawaddo magaalada Muqdisho ee ku saabsan dacyactirka wadooyinka muhiimka ah ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay howlaha dib loogu dayactirayo wadooyinka gobolka Banaadir ee bur burku saameeyay, islamarkaana lagu soo celinayo bilicdii ay lahayd gobolka Banaadir. C/kariin Xuseen Guuleed oo kormeerkiisa ay ku wehliyeen xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowlada ayaa shaaca ka qaaday in dib u dayactirkaan uu wax weyn ku soo kordhin doono guud ahaan bilicdii ay lahayd magaalada Muqdisho, uuna ku rajo weyn yahay in ay guul ku soo dhamaato howlaha dib loogu dayactirayo waddoonka bur bursan ee Gobalka.

Gaadiid casri ah oo noocyi kaladuwan leh ayaa loo adeegsanaya howlaha dayactirka ah ee ka socda wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho ayadoo ay siwada jir ah uaga wada shaqeynayaan shaqaale isugu jira Soomaali iyo kuwo dalka Turkiga ka soo jeeda .

Arrimahan dib u dayactirka ayaa qeyb ka ah qorshe lagu mataanaynayo magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul ee dalka Turkiga, kaasi oo ay iska kaashanayaan maamulada labada dowladood, islamarkaana bulshada Soomaaliyeed u horseedi karto horumar.

Afhayeenka maamulka gobolka banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in howlahan dib u dayactirka wadada isku xirta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo Maka Al mukarama lagu hagaajin doono muddo 15-cisho ah, isagoo intaa ku daray in sidoo kale jidka lagu xiri doono nalal.

Mid kamid ah mas,uuliyiinta Turkiga oo ku howlan mashruucani dayactirka ah ayaa sheegey in ay dadaal xoogan ugu jiraan sidii ay u garab istaagi lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadayaan howlaha wax loogu qabanayo bulshada Soomaaliyeed.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip