Laba xildhibaan oo ka wada tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigii maanta feedh iyo laad isku daldalay golaha dhexdiisa markii hadalku ka taagtaagmay.
Mudaneyaasha feedhka isla dhacay oo kala ahaa Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa iyo Xildhibaan Maxamed Cabdi (Gijaandhe), ayaa waxa ay isku qabsadeen doodii ku aadanay Xeerkaasi oo Guddida soo gudbisay uu guddoomiye ka ahaa xildhibaan Gijaandhe, waxaana halkaasi dood dheer oo xeerkaas ka soo hor jeeda ka soo jeediyey Ibraahim Mahdi Buubaa, taas oo uu ka ka soo hor jeestay Xildhibaan Gidhaandhe oo uu hadallo ku dhex tuuray markii uu doodad watay.
Ka dib markii uu dhameeyey Buubaa Doodda, ayaa waxa ay labada xildhibaan u wada hadleen si fool ka fool ah, ka dibna uu ka dhashay inay feed isla boobaan oo la kala jiido.
Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa ah Afhayeenka Xisbiga Waddani halka Xildhibaan Axmed kijaandhe oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo lagu tilmaamo inuu safka hore kaga jiro xidlhibaanada sax iyo khaladba ku taageera xukumada Siilanyo ayaa isku maandhaafey ama ku kala aragti duwanaadey xeerka wadooyinka oo Qasriga Madaxtooyadu golaha hor keenay doodiiisuna maalmahanba golaha ka socoto.
Xildhibaan Buubaa ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay in xeerkan Madaxtooyadu dabada ka riixayso la laalo, halka Axmed Kijaandhana guclo iyo orod ugu jiro in xeerkan jujuub iyo duuduub lagu ansxiyo oo aanay ahaynba in dood la geliyo.
Xeerkan ayaa xildhibaanada u kala saarey kuwo muxaafid xag jira ah iyo kuwo mucaarad dhab ah.
Golaha Wakiilada Somalland oo leesku Feeray Sawiro & Video
Laba xildhibaan oo ka wada tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigii maanta feedh iyo laad isku daldalay golaha dhexdiisa markii hadalku ka taagtaagmay.