Inter Milan ayaa taako kala kulantay kooxda Cagliari kuwaasoo uu u barbareeyay Radja Nainggolan markii kubadii uu tuuray ay qof kale ku sii dhacday. Nerazzurri ayaa dooneysay inay halkeeda ka sii wado qaab ciyaareedka fiican ee ay ku jirtay,
laakiin waxaa lagu qasbay inay isku shaandheyn
ku sameeyaan kooxdooda madaama ay kaliya 2-1 ku garaaceen Fiorentina.
Waxaa mar kale kulankaan lagu ciyaaray Stadio Nereo Rocco ee ku yaala
Triesta madaama garoonka Caglairi ee Sant’Elia ay weli ku socoto
dayactir.
100 ilbiriqsi markii ay socotay ciyaarta goolhaye Michael Agazzi ayaa
faraha foodooda kubad kaga bixiyay Yuto Nagatimo, waxaana uu sidoo kale
kubad kale ka badbaadiyay Fredy Gaurin.
Agazzi ayaana mar kale kubad ka bixiyay Guarin kubad uu soo dhisay Ishak
Belfodil. Ricky Alvarez ayaa isna si ciriiri ah kubad xoogan goolka ku
dulmariyay, laakiin sidoo kale Cagliari ayaa iyadana fursad heshay
markii kubad madax aheyd uu galay Mauricio Pinilla iyo Counter-attack uu
sameeyay Victor Ibarbo.
Mauro Icardi ayaa bedelay Belfodil qeybtii labaad, iyadoo Alvaro Pereira
uu kubada shabaqa dhex dhigay laakiin goolkiisa waa la diiday madaama
inta uusan dhalin goolka ka hor qalad la dhigay.
Inter ayaana ugu danbeyn hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 75aad,
iyadoo Nagatomo uu ka baxsaday dabinta offside-ka islamarkaana karoos uu
soo dhigay uu madax ku dhaliyay Mauro Icardi.
Cagliari ayaase nasiib ku barbareeyay markii kubad uu tuuray Radja
Nainggolan ay ku dhacday Rolando taasoo dabamartay Handanovic.
Waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay barbaro 1-1 ah, waxaana ay ka dhigan
tahay in Inter ay haatan ku jirto kaalinta afaraad iyagoo leh 14
dhibcood, waxaana ay labo dhibcood ka hooseeyaan kooxaha hogaanka haya
ee Napoli iyo Juventus.
Dhanka kale, Lazio ayaa barbaro 2-2 ah kala kulantay kooxda ku cusub
xilli ciyaareedkan Serie A ee Sassoulo.
Lazio ayaa labada gool ku hormartay oo ay u kala dhaliyeen Goncalves
Andre Dias iyo Antonio Candreva. Laakiin Sassoulo ayaa gadaal ka soo
dagaalantay islamarkaana barbareysay iyagoo uga mahadcelineysa goolal ay
u kala dhaliyeen Ezequiel Schelotto iyo Antiono Floro Flores.
Lazio ayaana ku jirta kaalinta 6aad iyagoo leh 10 dhibcood.
Intermilan oo laga naxsaday
Inter Milan ayaa taako kala kulantay kooxda Cagliari kuwaasoo uu u barbareeyay Radja Nainggolan markii kubadii uu tuuray ay qof kale ku sii dhacday. Nerazzurri ayaa dooneysay inay halkeeda ka sii wado qaab ciyaareedka fiican ee ay ku jirtay,