Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Somaliya oo lagu wareejinayo Hogaanka AMISOM
Yoweri Museveni madaxweynaha dalka Uganda oo wareysi siiyay talafishinka al-jazeera ee fadhigiisu yahay magaalada Doha ee caasimada dalka Qadar ayaa mar wax laga weeydiiyay arimaha ku aadan qatarta argagexisda oo ku baahaya qaarada afrika gaar ahaan
Yoweri Museveni madaxweynaha dalka Uganda oo wareysi siiyay talafishinka al-jazeera ee fadhigiisu yahay magaalada Doha ee caasimada dalka Qadar ayaa mar wax laga weeydiiyay arimaha ku aadan qatarta argagexisda oo ku baahaya qaarada afrika gaar ahaan qatarta Al-shabab ay ku leedahay dhanka gobolka. Waxa uu ku baaqay in loo baahan yahay in lasoo kordhiyo ciidamada nabad dhalinta u jooga Somalia ee midowga afrika ka socda si ay ula dagaalaman xarakada Al-shabab.
Waxa uu sheegay in marka lasoo kordhiyo ciidamadaasi loo baahan yahay in ciidamada qaranka Somalia ay iyagu qabtaan hogaanka weerarada al-shabab ka dhanka ah.
Wareysiga madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo lagu daabacay jariidada New Vision ee ka soo baxda Uganda ayaa waxa uu yiri”
Waxaan kala wareegnay al-shabab magaaloyin badan waxana u baahannahay ciidamado kale oo dheerad si ay u suurta gasho in Al-shabab goobaha kale ee gacanta ugu jira laga saaro,balse intasi waxa ka horeeya in dowlada Somalia laga taagero in ciidamo awood badan loo dhiso”.
Yoweri Museveni aya sheegay in awoodi al-shabab hada ay wiiqan tay. Uganda waxa ay kamid tahay dowlada ugu badan ee ciidamo u soo dirtay Somalia kuwasi oo ka qeyb qaadanaya howgalka AMISOM.