Dabaal Deg Aroos oo dhiig & Argagax isu badalay

0
Monday October 14, 2013 - 10:04:59 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dabaal Deg Aroos oo dhiig & Argagax isu badalay

    Xaflad Aroos oo habeenkii Sabtida ka dhacday deegaanka Ceel Xamdi ee dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Arabsiiyo ayaa isu badashay murugo iyo ooyin kadib markii nin la dhashay Arooska uu rasaas ku furay goobtii ay ka socotay xafladda, halkaasi oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad Aroos oo habeenkii Sabtida ka dhacday deegaanka Ceel Xamdi ee dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Arabsiiyo ayaa isu badashay murugo iyo ooyin kadib markii nin la dhashay Arooska uu rasaas ku furay goobtii ay ka socotay xafladda, halkaasi oo dhimasho iyo dhaawac fara badan uu ka dhashay. Afar Haween ah ayaa rasaastaasi ku geeriyootay, waxaana ku dhaawacmay Sagaal kale, iyadoo dhacdadani ay noqotay mid fool xun oo ku habsatay
aroos farxadeed.

Ninka rasaasta furay oo lagu magacaabo Gaheyr Xasan Muudey ayaa wuxuu la dhashay ninka arooska ahaa, waxaana la sheegay in maskaxdiisa aysan
caadi aheyn, oo uu xanuunsanaa.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa xiligii rasaasta uu furayay Gaheyr ay socotay damaashaadka xafladda arooska, waxaana mar qura goobta
xaflada ay isu badashay goob murugo iyo daad gureynta dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Dhacdadani ayaa si weyn looga hadal hayaa deegaanka Ceel Xamdi oo ka tirsan magaalada Gabiley ee gobolka Arabsiyo iyo magaalada Hargeysa.

Mashaqadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee ka dhacday deegaanada Somaliland inta la og yahay, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo
baxay maamulka halka ay ka dhacday iyo cid ka hadashay oo ka tirsan Caruuska iyo Caruusada.

Source: Jilaa.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip