Dhacdo laga argagaxo oo ka dhacday Magaalada Jowhar

0
Tuesday November 27, 2018 - 09:26:26 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 2180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdo laga argagaxo oo ka dhacday Magaalada Jowhar

    Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar uu ku dilay Xaaskiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar uu ku dilay Xaaskiisa.

Maareeyaha dilka geystay ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Cali dheere,kaasi oo dilay xaaskiisa oo lagu Magacaabi jiray Jamiilo Sh.Cali Ibraahim Da’deedana aheyd 32 jir,waxaana dilka uu ka dhacay Hoygooda oo ku yaalla Xaafadda Hanti-Wadaag ee Magalada Jowhar.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Jowhar ayaa inoo shyeegay in dilkan uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhexglay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar iyo Xaaskiisa oo lagu Magacaabi jiray Jamiilo Sh.Cali Ibraahim.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen Maareeyaha,isla markaana ay xabsiga dhigeen.

Dhacdadan uu Maareyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar ku dilay xaaskiisa ayaa saakay waxaa aad u hadal haaya dadka ku nool Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle,waana markii ugu horeysay oo dhacdadaan oo kale ay ka dhacdo Jowhar


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip