Afhayeenka Xukuumada oo sheegay in horjooge Ibraahin Cali Cabdi uu khatar weyn ku ahaa dadka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka

0
Tuesday October 29, 2013 - 12:49:15 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Xukuumada oo sheegay in horjooge Ibraahin Cali Cabdi uu khatar weyn ku ahaa dadka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka

    Muqdisho, October 29, 2013----Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii ka dhahcay Tuulada Dhaay-tubaako ee gobolka J/dhexe kaasoo lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al shabaab, laguna magacaabo Ibraahim Cal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, October 29, 2013----Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii ka dhahcay Tuulada Dhaay-tubaako ee gobolka J/dhexe kaasoo lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al shabaab, laguna magacaabo Ibraahim Cali Cabdi (Anta Anta). Afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa sheegay in dawladdu ay ka warheysay weerarkaasi isla markaana lagu beegsaday hogaamiye ka tirsan kooxda nabadiidka ee Shabaab, kaasoo u qaabilsanaa falalka guracan ee sameynta Miinooyinka iyo Qaraxyada kale.

"Howlgalkaasi weerarka ah wuxuu ahaa mid u fulay sidii loogu talagalay, waana talaabo qeyb ka qaadaneysa nabadda iyo xasiloonida dalka” ayuu yiri afhayeenka oo digniin u jeediyay horjoogayaasha ajaanibta ah ee weli ku dhuumaaleysanaya dalka gudihiisa.

"Sidaad la socotaan kooxdan Shabaab waxay dhibaato weyn u geysteen shacabka Soomaaliyeed, oo ay qaraxyo iyo miinooyin ku laayeen” ayuu mar kale yiri afhayeenka oo tilmaamay in horjoogayaasha Shabaab aysan ka baxsan doonin gacanta dawladda, cadaaladana la marsiin doono.

"Ibraahin Cali Cabdi waxaa uu khatar ku ahaa dadka Soomaaliyeed, kuwa gobolka iyo caalamka oo dhan,iskaashi furan ayaana caalamka kala leenahay ciribtirka dadka noocan oo kale ah , kuwaasi oo khatar ku ah Soomaaliya, Gobolka iyo Caalamka oo dhan” Ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliyaah Ridwaan Xaaji Cabdiwali.


Afhayeenka Xukuumada

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip