Madaxweynaha oo maanta kuwajahan Kismaayo

0
Thursday October 31, 2013 - 12:06:54 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo maanta kuwajahan Kismaayo

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka la filayaa iney gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay si weyn uga socoto qabanqaabada soo dhaweynt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka la filayaa iney gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay si weyn uga socoto qabanqaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha. Magaalada Kismaayo ayaa saaka waxaa ka socota qaban qaabada soo dhaweeynta madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo inuu maanta gaaro magaaladaasi.

Garoonka magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sii qulqulaya dadweeyne aad u farabadan oo ay horkacayaan mas’uuliyiinta maamulka Jubba, waxaana wadooyinka magaaladaasi la suray calanka Jamhuuriyada iyo sawirada Madaxweynaha.

Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo ciidamadu ay taaganyihiin dariiq kasta islamarkaana baaraya gaadiidka iyo dadka ay ka shakiyaan, waxaana wadooyinka waa weyn ee magaaladaasi safan dadweeyne farabadan oo ruxaya calanka Jamhuuriyada.

Waa markii ugu horeysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Kismaayo 22 sano kadib wixii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday xukuumadii Meleteriga aheyd.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip