Qaar kamid ah warbaahinta taageerta ururka Alshabaab ayaa galabnimadi maanta waxey ee bilaabeen baahinta warar la xiriiro in wafdigi Madaxweyne Xasan ee gaaray Kismaayo la duqeeyay. Ujeedka madaafiicdaasi ayaa Al shabaab waxay ku sheegeen inay ku doonayeen waxyeeleeynta Wafdi uu hogaaminayey Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Kismaayo.
Al Shabaab ma aysan sheegin khasaaro ay madaafiicdaasi geysteen waxaana la ogaan karin xog dhameystiran oo ka hadli karta hadii ay khasaaro jirto maadama ay anteenada taleefanada Kismaayo laga saaray maanta waqtiyo kala duwan.
Sidoo kale Afhayeenka dhinaca Howlgalada Al Shabaab C/casiis Abu Muscab oo la hadlay Wakaaladaha qaar ayaa sheegay inay weerar madaafiic ah ku ekeeyeen garoonka Kismaayo sida uu yirina qal qal geliyeen Wafdigii Madaxweynaha ee halkaasi kusugnaa.
Dhinaca Dawlada Somaliya War uu kusoo qoray bogiisa gaarka ah Afhayeenka Madaxweynaha ayaa saacado ka hor waxa uu Injineer Yariisoow ku beeniyey in madaafiic lagu garaacay garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Waxa uu Injineer Yariisoow sheegay inay si nabad ah wafdiga Madaxweynaha ku gaareen magaalada Kismaayo.
Ma Runbaa in Alshabaab Duqeeyeen Wafdigi Madaxweynaha ? (Warbixin)
Qaar kamid ah warbaahinta taageerta ururka Alshabaab ayaa galabnimadi maanta waxey ee bilaabeen baahinta warar la xiriiro in wafdigi Madaxweyne Xasan ee gaaray Kismaayo la duqeeyay.