Isboortiga Soomaaliyeed il-qabatin fiican ayuu yeeshay!! (Faallo)

0
Sunday November 10, 2013 - 18:02:49 in Sports by
  • Visits: 1616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isboortiga Soomaaliyeed il-qabatin fiican ayuu yeeshay!! (Faallo)

    Inkastoo burbur aad u baahay uu ku dhacay dalka Soomaaliya, hadana waxaa iminka soo muuqanaya inay Soomaaliya ka soo kabaneyso baabi'ii ku habsaday 22-kii sano ee la soo dhaafay, kaasi oo keenay inuu geyiga Soomaaliya dib uga dhaco adduunka inti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo burbur aad u baahay uu ku dhacay dalka Soomaaliya, hadana waxaa iminka soo muuqanaya inay Soomaaliya ka soo kabaneyso baabi'ii ku habsaday 22-kii sano ee la soo dhaafay, kaasi oo keenay inuu geyiga Soomaaliya dib uga dhaco adduunka intiisa kale. Isbedelada mugga weyn ee xilligaan Soomaaliya ka socda waxaa ugu muuqaal dheer horumarka samadda sii lalaya ee uu sameeyay Isboortiga Soomaaliyeed, waxaana wax lagu farxo ah howlaha baaxadda leh ee isugu jira dhismayaashii xarumihii ciyaaraha iyo dayactirka garoomada kala duwan ee lagu guuleystay, iyadoo arrimahaasina ay yihiin kuwo la jaan qaadaya nabadda ka soo bidhaameysa caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Laga soo bilaabo tan iyo intii ay dheda ka baxday Dowladdii marxuum Maxamed Siyaad Barre ilaa iyo iminka la joogo marnaba ma ayna damin shucladdii Isboortiga Soomaaliyeed, waxaana uu mar walba Isboortigu ka qeyb qaadanayay shirarka iyo tartamada caalamiga ah, iyadoo howlahaasi baaxadda lehna laga hagayay xafiisyo uu Isboortigu kiro ugu jiri jiray.

Xeyd xeydasho aad u xoog badan dabadeed iyo dadaal aan yareyn kaddib waxay hoggaamiyeyaasha Isboortiga Soomaaliyeed isku ballansadeen sidii Isboortiga looga xoreyn lahaa inuu ku sii shaqeeyo goobo ijaar ah, sidaasi daraadeed madaxda cayaaraha waxay isla qaateen in loo dhaqaaqo sidii loo abuuti lahaa xarun guud ii klafa hoggaamiyo qeybaha ciyaaraha Soomaaliyeed, waxaana la isla gartay in xaruntaasi laga taaba geliyo Ex-Wasaaraddii hore ee Isboortiga gaar ahaan halkii loo yaqiinay garoonka Long Tenis ee gobolka Banaadir.

Xaruntaan cusub oo dhismaheedu in muddo ah uu ka socday magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay u muuqataa in la soo gabagabeeyay, iyadoo lagu wado in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qalabeeyo si halkaasi looga maamulo dhammaanba wixii shaqooyin ah ee uu Isboortigu qabanayo.

Xaqiiqdii dhismaha xaruntani oo ah mid lagu farxo, waxaa loo dhisay qaab xajiib badan oo qofkii arka uu jecleysan karayo, waxaana in la xuso mudan in xaruntani ay bilic aad u ballaaran ku soo kordhisay agagaarka goobta ay ku taalo.

Sheeko iyo fasiraad dheer cidna ugama baahna xaruntaasi, maxaa yeelay dhismaha xaruntani taageerihii arkaa wuxuu durbaba fahmayaa in halkani ay tahay hoygii cayaraaha Soomaaliya, waayo waxaa ishaada buuxinaya astaanta lagu yaqaano Olympicada Adduunka taasi oo ah shanta garaangir oo matalaya shanta qaaradood ee caalamka.

Sida ka muuqata calaamadda lagu xardhay dhismahaasi waxay xaruntani fariisin u noqon doontaa guddiga Olympicada Soomaaliyeed oo ah hay'adda ugu sareysa Isboortiga Soomaaliyeed taasi oo leh jaan goynta horumarinta ciyaaraha iyo isku xirka xiriirada kala duwan, bacdamaa ay yihiin kuwo idilkood hoos taga Oloympicada Soomaaliyeed.

Dad badan oo isugu jira aqoonyahano iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa si diiran oo farxadi ku jirto u soo dhoweeyay tallaabadaan cusub oo guddiga Olombikadu uu ku yeeshay xarun iyaga u gaar ah, iyadoo waxgaradkaasi ay farta ku fiiqeen in xaruntani ay noqon doonto midii sahli lahayd sii horumarinta cayaaraha ee isugu jira kuwa Kubadaha lagu dheelo iyo kuwa kale ee aan kubadaha lagu ciyaarin.

Runtii...howl walba ee lagu guuleysto waxaa ammaanteeda iska leh raggii dhexda u xirtay, sidaasi awgeed dhismaha xaruntani ee lagu najaxay waxaa ammaanteeda iska leh Guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/llaahi Axmed Tarabi oo doorashadiisii ay ahayd mid lagu diirsaday, Xoghayaha guud ee guddigaasi Mr. Duran Axmed Faarax iyo Kaaliyaha Xoghayaha guud ee guddiga Olombikada ahna Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow), kuwaasi oo ka dhabeeyay riyadii ahayd sidii uu Isboortigu u yeelan lahaa hoy gaar ah oo loogu soo hagaago.

Odayaasha haatan ku aflaxay hirgelinta xaruntani waxay horay ugu soo guuleysteen soo nooleyntii garoonka K/Koleyga ee 1da Lulyo oo haatan loogu wan qalay Wiish Stadium, waxayna garoonkaasi ka qabteen howlo aad u baaxad weyn oo isugu jiray hagaajinta iyo qurxinta dhulka lagu ciyaaro iyo dayactirka fadhiyada garoonka, iyadoo gegidaasi lagala mid dhigay kuwa caalamiga ah ee dunida ku yaala.

Waa u sharaf Soomaaliya oo idil in guddiga Olombikada Soomaaliyeed uu yeeshay xarun u qaas ah, sidaasi daraadeed waxaan filayaa in xaruntan iyo garoomada haatan lagu guuleystay dib u qaabeyntoodu inay horseed u noqon doonaan sidii iyana dib loogu dayactiri lahaa Ex-xaruntii hore ee Wasaaradda Isboortiga iyo garoomada ku yaala tuulada Isboortiga ee Stadium Muqdisho.

Guntii iyo gabagabadii marka la isku daro xarunta cusub ee loo yagleelay guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo dib u casriyeynta lagu sameeyay garoomada K/Koleyga ee Wiish Stadium iyo kan K/Cagta ee Conis Stadium wallee oo wallee waxaa hubanti ah in Isboortiga Soomaaliyeed uu xilligaan yeeshay weji cusub isla markaan uu helay xarumo iyo garoomo il-qabatin fiican leh, kuwaasi oo uu xiiseyn karayo shaqsi kasta oo soo booqda ama daawasho u taga goobahaasi.



Waxaa Qoray: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil37@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip