Siyaaraadka Masha'iqda oo siweyn loogu Dhigay Nairobi (Sawiro)

0
Sunday November 17, 2013 - 16:22:12 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3564
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaraadka Masha'iqda oo siweyn loogu Dhigay Nairobi (Sawiro)

    Siyaaraadka masha'iqda Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Maxamed Sheekh C/raxman ayaa waxa maalinimadi shalay lagu dhigay magaalada Nairobi ee caasimada Dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaaraadka masha'iqda Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Maxamed Sheekh C/raxman ayaa waxa maalinimadi shalay lagu dhigay magaalada Nairobi ee caasimada Dalka Kenya.
Kaqeybgalka Siyaaraadka Masha’iqda Soomaaliyeed ayaa maalinimadi shalay aysan ukala harin dhamaan culuma’udiinka, Talaamiida, Ganacsatada iyo guud ahaan jaaliyada Soomaalida Nairobi ee xaafada Islii.

Asharaafta, Imaamyada, Mudarasiinta iyo Masjiyda 12th Street, 3third streed iyo Alxaq-plaza iyo masha’iq kale ayaa kamid ahaa culimadi soo xaadirtay siyaarada Masha’iqda Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Maxamed Sheekh C/raxman.

Siyaaraadka Masha’iqda oo sanad waliba xiligaan oo kale lagu kala dhigo meelo kala duwan oo gudaha dalka Soomaaliya iyo dibadiisaba ah ayaa Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya safka hore kaga jirta meelaha ugu waa weyn ee kadhacdo xuska Masha’iqda kusharafowda xambaarida diinta islaamka.

Sida caadada u ah Ahlusunah waljamaac ayaa xuska Masha’iqda lagu bilaabay Qadmooyin Qur’aan ah, Subacyo, Tawasul iyadoo intaa kadibna la qurbaansaday.

Galabnimadi maalinti shalay ayaa waxa leesugu yimid banaanbaxa siyaaraadka masha’iqda iyadoo la oogay xilqooyinka Dikriga sida Uweysiyada, Axmadiyada iyo Seyliciyada.

Gaba gabadi siyaaraadka Masha’iqda ayaa waxa halkaa duco iyo wacdi aad uqiiro galiyay dadki kasoo qeybgalay siyaarada ujeediyay Shariif Cabdulaahi Shariif Xasan imaamka masjidka 12-ka ee magaalada Nairobi.

Qaar kamid ah magacyada Asharaafti iyo Culimadi kale ee kasoo qeybgashay siyaaraadka Mashaa’iqda.

• Shariif Cabdulaahi shariif Xasan (Imaamka Masjidka 12th Street)
• Shariif Siyaada (Hogaamiyaha Masjidka Third Street)
• Shariif Cali Shariif Maxamed Shariif Xadaad
• Shariif Qulateyn
• Shariif Maxbuub
• Shariif Haashim
• Shariif Cabdicasiis
• Shariif Qaasim
• Sheekh Cabduqaadir Xaashi (Baajuuri)
• Sheekh xasan Nuur
• Sheikh Xuseen Dayib
• Sheekh Maxamed Yuusuf (Sh: Max’ed Dhagaxbuur)
• Macalin Shardi
• Sheekh Mudaf Sheekh Cabdulaahi Bulxan
• Sheekh Xasan Sheekh Cisman
• Jameecada reer Macalin Nuur
• Jameecada Sheekh Cali Cilmiyare
• Jameecada Sheekh yuusuf Direed
• Jameecada Sheekh Maxamed Guuleed

Qaban Qaabada Siyaarada waxa lahaa guud ahaan jameecada reer Sheekh C/raxman Sheekh Cumar ee kusugan magaalada Nairobi oo ee hogaaminayeen

• Sheekh Shiyaalow Sheekh Maxamed Nuur
• Sheikh Cabdulaahi Cali Aadan
• Sheikh Muxudiin laashin
• Sheekh Axmed Sheekh Ismaan (Sariire)
• Sheekh Axmed kaboole
• Sheekh c/raxman Sayid Maxamud Sh: Cabdiraxman
• Sayid Cumar Sheekh Maxamed Sheekh Axmed Gabale
• Sheekh Isxaaq Xaaji Muuse
• Maxamud Sheekh Axmed Yare
• Muumin Muxidiin Axmed
• Sheekh Cabdirisaaq Maxamud Barre
• C/raxman Maxamed Cali
• C/raxman Xaaji Cabdulaahi
Iyo guud ahaan Xirta Jameecada oo isugu jirto rag iyo dumar .

Guud ahaan waa bahdi Shabakada Warsheekh oo idin leh Alle ha inaga dhigo Samo Joog , Siyaaro Joog

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan





Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip