Madaxweynaha oo uhiiliyay Jaamacada SIMAD isagoona kaqeybgalay qalin jabin (Sawiro)

0
Thursday November 28, 2013 - 20:08:40 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo uhiiliyay Jaamacada SIMAD isagoona kaqeybgalay qalin jabin (Sawiro)

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta ka qeyb galay munasabad Qalin jebin ah. Halkaasna ka jeediyay qudbad dhiiri gelisay shacabka ku sugnaa goobtaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta ka qeyb galay munasabad Qalin jebin ah. Halkaasna ka jeediyay qudbad dhiiri gelisay shacabka ku sugnaa goobtaas. Qudabadiisa ayuu Madaxweynaha wuxuu ku yiri” Anigu maanta aad ayaan ugu faraxsanahay horumarka dhanka wax barashadda. Dowladdana wey naga go’antahay in aan taagerno waxbarashadda Soomaaliya, iyo tacliinta sare.”

Madaxweynaha oo qudabdiisa kula hadlayay ku dhawaad 1000 arday oo ka qalin jebinaysay jaamacadda SIMAD waxa uu yiri” Walaalayaal, dalalka hormaray waxey ku hor-mareen wax barashadda oo ay hor mariyeen. Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabineyso jaamacadaha dalka waxey tusaale u tahay jiil cusub oo Soomali ah waxeyna kaalin mug leh ka qaadan doonan wax qabadka arimaha bulshada iyo kan ganacsiga gaarka ah.”

Dalka iyo dadkaba waxey u baahan yihiin jiilkiina oo kale. Jiil fahamsan aduunka cusub oo ku dhisan xog iyo technolojiyadda. Shacabka Soomaaliyeed wey ku soo daaleen dagaal. Umada soomaaliya waxey idinka sugeysaa in eey ku nacfiyan aqoontiina”

Ugu danbeyntii Madaxweyne Xassan sh. Maxamuud waxoo u tahniyadeeyay ardaydii qalin jabineysay iyo ehelkooda.



Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada

Riix Halkaan


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip