Fowzia oo ka qeybgaleysa Shirka Elysee ee ka dhacaya Paris (Sawiro)

0
Thursday December 05, 2013 - 13:53:30 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fowzia oo ka qeybgaleysa Shirka Elysee ee ka dhacaya Paris (Sawiro)

    Paris, 05 December 2013 - Ra'iisul Wasaare Ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam iyo wafdi ay hoggaamineysa ayaa ku sugan Paris oo ay halkaas uga qeybgalayaan shirka Amniga iyo Nabadda ee Africa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Paris, 05 December 2013 - Ra'iisul Wasaare Ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam iyo wafdi ay hoggaamineysa ayaa ku sugan Paris oo ay halkaas uga qeybgalayaan shirka Amniga iyo Nabadda ee Africa oo loogu magacdaray Elysee Summit for Peace & Security in Africa. Shirkan ayaa waxaa ku casuumay madaxda Afrika Madaxweynaha Fransiiska Francois Hollande. Maanta ayaa waxaa furmaya shirka heer wasiiro oo uu Wasiirka Arrimaha Dibedda France Mr Laurent Fabius, oo caawa casho sharaf u sameynaya Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Afrikaanka.

Shirkan ayaa ah mid dalka Fransiiska uu ku xoojinayo xiriirkiisa diblomaasiyadeed ee dalalka Africa, isla markaana looga hadlayo arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin sidii caalamku isaga kaashan lahaa arrimaha Amniga iyo Nabadda, xiriirka iyo horumarinta Dhaqaalaha iyo Isbedelka Cimilada. Waxaa kale oo shirkan ka soo qeybgalaya Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Africa.

Wasiir Fowzia oo hoggaamineysa wafdiga ayaa waxey kulamo gaar gaar ah la qaadan doontaa madaxda dalalka Africa iyo madaxda kale ee ka soo qeybgaleysa shirka, si loo sii xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo beesha caalamka oo sanadkii la soo dhaafay laga sameeyey horumar ballaaran.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada

Riix Halkaan



- DHAMAAD -
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip