Ganacsade Sh: Maxamud Sabriye oo iskiis isu xil qaamay howl Dowladda laheyd iney kaqabato Jowhar: VIDEO

0
Thursday December 05, 2013 - 20:57:48 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsade Sh: Maxamud Sabriye oo iskiis isu xil qaamay howl Dowladda laheyd iney kaqabato Jowhar: VIDEO

    Tan iyo markii ay Fatahaada Webiga Shabeelle uu ku dhuftay degmada Jowhar iyo deegaanada hoostaga ayaa waxaa ay sababeen in gebi ahaanba ay xeranto wado halbowle u ah isku xerka magaalada Jowhar iyo Muqdisho oo daadadkii webiga ay gooyeen wadada Koon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii ay Fatahaada Webiga Shabeelle uu ku dhuftay degmada Jowhar iyo deegaanada hoostaga ayaa waxaa ay sababeen in gebi ahaanba ay xeranto wado halbowle u ah isku xerka magaalada Jowhar iyo Muqdisho oo daadadkii webiga ay gooyeen wadada Koongo ee u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad. Xayiraad mudo ay saaran Jowhar oo wax gaadiid ah aan ilaa weli geli karin, qofkii gelayana ay doon kaga gudbeyso biyaha ayaa waxaa dhibaatadaasi u istaagay inuu wax ka qabto Ganacsade Soomaaliyeed oo leh shirkadda lagu magacaabo Sabriye Company, taasoo bilowday iney dhisto wadada xayirin ee biyaha gooyeen.

Sirkaddan oo leh Ganacsadaha caanka ah ee Xaaji Maxamuud Sabriye ayaa waxay ka damqaday dhibaatada ka jirta wadadaasi, iyadoo aysan jirin cid ay taageero ka heleyso.

C/qaadir Sheekh Muxumed oo kamid ah howlwadeenada Shirkada Sabriye ayaa warbaahinta lahadlay xili uu kusugnaa mid kamid ah meelaha sida weyn shirkada uga shaqeyneesay

Gaadiidka iska rogaha iyo qalab kale oo dib loogu dayactirayo ayaa la geeyay wadadaasi go'an, iyadoo ay ka socoto shaqo baaxad leh.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhegaha ka fureysatay iney wax ka qabato dhibaatada ay geysteen daadadka webiga Shabeelle oo Kumanaan qoys ay ku barakaceen, wadadii loo marayay Jowhar-na ay daadadku gooyeen.

Waxaa la filayaa in mudo gaaban gudahood ay shirkadda Sabriye Company ku guuleysato iney dib u furto wadadaasi muhiimka u ah nolosha Malaayiin qof oo ku nool gobolka Shabeellaha Dhexe iyo gobolada kale ee isku xerto.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip