Munaasabad Balaaran oo siweyn loo soo abaabulay laguna caleemo saarayay Saaxibul Sijaadaha reer Sheekh Maxamed Faarax ayaa waxa maanta lagu qabtay xarunta Sheekh Maxamed Faarax ee Magaalada Muqdisho.
Sheekh Ismaaciil Sheekh Maxamed Faarax oo ah sheekha loo caleemo saaray xilki iyo mas’uuliyada guud ee Jameecada reer Sheekh Maxamed Faarax ayaa waxa caleemo saarkiisa kasoo qeybgalay,
Saaxibul Sijaadaha Dariiqada Qaadiriya Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys iyadoo sidoo kalena ee xaadir ahaayeen Ahlubeyt, Mudarasiin, Mucalimiin, Aqoonyahano iyo guud ahaan qeybaha kala gadisan ee bulshada .
Sidoo kale Masha’iqdi kasoo qeybgashay Munaasabada Caleemo saarka ayaa waxa kamid ahaa,
Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Sheekh Ooyaaye. Qaliif Xildhibaan Cabduqaadir Macalin Nuur Maxamed Siyaad iyo Sheekh Maxamed Sheekh Yuusuf Sheekh Muxyadiin Celli.
Sheekh Maxamed Faarax ayaa geeriyooday sanadkii 1992 maalinta Sagaalaadka oo loo taagnaa Banka Carafo xilli uu kamid ahaa dadka banka Carafo taagnaa ayaa waxa uu sheekha kamid ahaa culimadi ka aflaxday Sheekha weyn ee Soomaaliyeed ee Sheekh Muxyadiin Celli, waxaana jirin markii uu geeriyooday iyo ilaa hada isu imaatin dhex maray dariiqadii Sheekha, waxaana soo nooleynta ay ku sheegeen culumadii ka qeyb gashay mid muhiim aheyd oo xilli dheer lasugayay.
Sheekh Ismaaciil Sheekh Maxamed Faarax oo maanta lagu badalay booskii aabihiis ayaa lagu wadaa in dib uu u soo nooleeyo wadadii Sheekh Maxamed Faarax oo ahaa Sheekh Caan oo kamid ah Mashaa’ikhdii Soomaaliya Soo martay sida aadka ahan loo xasuusto, waxaana maanta Muqdisho laga furay Mowlaca Sheekh Maxamed Faarax oo wixii xilligaan ka danbeeya qaban doona howlihii ay fulin jireen mowlacyadii Sheekha.
Sheekha loo magacaabay Saaixbul Sijaadaha reer Sheekh Maxamed Faarax, Sheekh Ismaaciil Sheekh Maxamed Faarax ayaa gaba gabadi xaflada waxa uu la hadlay warbaahinta isagoona ugu horeyn kamahad celshay Masha’iqdi, Mudarasiinti iyo hogaamiyayaashi Dariiqooyinka ee kasoo qeybgalay Caleemo saarkiisa isagoo dhanka kalena balan qaaday inuu halkeedi kasii wadi doono doorka Faafinta Diinta Islaamka uu kulahaa Sheekh Maxamed Faarax
Sawirada kufiirso By Mobile
Riix Halkaan
Saaxibul Sijaadaha reer Sheekh Maxamed Faarax oo maanta Muqdisho lagu Caleemo Saaray (Sawiro)
Munaasabad Balaaran oo siweyn loo soo abaabulay laguna caleemo saarayay Saaxibul Sijaadaha reer Sheekh Maxamed Faarax ayaa waxa maanta lagu qabtay xarunta Sheekh Maxamed Faarax ee Magaalada Muqdisho.