C/qaadir Cabdi: "Shabaab waxaan ka raacay Xamar, waxaana aaminsanahay inay diin ku dhaqmin"

0
Thursday December 26, 2013 - 13:54:53 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/qaadir Cabdi: "Shabaab waxaan ka raacay Xamar, waxaana aaminsanahay inay diin ku dhaqmin"

    Xilli billihii la soo dhaafey ay isa soo tarayeen isoo dhiibida dhalinyadda ka soo goosaneysa dhinaca Maleeshiyadda Al shabaab isuna soo dhiibeysa Maamulka degmada Dhuusa Mareeb iyo Culumaaudiinka Ahlu sunna wa jameeca ayaa qaar ka mid Waalidiinta Ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli billihii la soo dhaafey ay isa soo tarayeen isoo dhiibida dhalinyadda ka soo goosaneysa dhinaca Maleeshiyadda Al shabaab isuna soo dhiibeysa Maamulka degmada Dhuusa Mareeb iyo Culumaaudiinka Ahlu sunna wa jameeca ayaa qaar ka mid Waalidiinta Caruurtooda ka soo goosatey Maleeshiyaad ka al shabaab ayaa waxay ugu baaqeen Waalidiinta kale in ay dadaal u galaan sidii ay caruurtooda uga soo badbaadsan lahaaeen dhibaatooyinka Maleesiyaadka Al-shabaab ay ku hayaan dhalinyarada ay qaldeen, iyadoo dhawaan isa soo dhiibey Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka mid ah dhalinyarada in mudda ah ku jirey gacanta Maleeshiyaadka Al shabaab una dagaalamey isagoo ka hadlaya xilliga uu ku biirey iyo hadda waxa uu ka aaminsan shabaab madaama hadda uu isu soo dhiibey Maamulka Degmada Dhuusamareeb ayaa hadaladiisa waxa ka mid aha :- Shabaab waxaan ka raacey xamar waxaan ka mid ahaa dhallinyarrada Xamar ka dagaalami jirey,waxan ka aaminsanahey in ay diin ku dhaqmin, diin u dhiman walaalayaal yaan lagu qaldoomin, walaalaha Muslimiinta ah waxan kula talinayaa in wixii hadda fikirkooda aaminsan ama ku dhaqmaya fikirkooda iyo inta hadda ka dib rabaan in ay ku biiraan Maleesiyaadka al shabaab walaalyaal waxaan kula talinayaa in ay iska daayaan oo ILLAAHEY wey diistaan Cafis, mana laga yaabo in aan mar danbe ku noqdo, waxaan ka mid ahey ummadaasi muslamiinta Soomaalida ah .

Sidoo kale waxa halkaa ka Hadley aabaha dhaley wiilkaasi Abdi Axmed oo sheegay in uu Eebbe Uga Mahadcelinayo dib u hellida Wiilkiisa oo in mudd ah ku maqnaa kooxaha maleeshiyadka Al-shabaab.

"Isagoo yar waxa iga duufsadey nimanka qaswadaaysha Maleeshiyaadka alshabaab in muddo ah markii aan raadinyey ayaa mar danbe meel la igu sheegay waxan juhdi badan iyo barye Allaah ka dib ii suuro gashey in aan Wiilkey gacan ka soo qabsado.”

Waxa uu la dardaarmey Walidiinta kale oo caruurtooda ku maqan Maleeshiyaadka Shabaabka in ay ku dadaalaan sidii ay caruurtooda dib ugu soo ceshan lahaayeen oo Kooxaha Maleeshiyaadka Shabab Marin habaabiyeen.

Ugu danbeyn waxa halkaasi ka Hadley Guddoomiyaha degmada Dhuusa mareeb Macalin Cabdiraxmaan cali Maxamed Qeeda Qoroow ayaa waxa uu sheegay in dhallinyarada ka timaada maleeshiyaad al shabaab si wanaagsan u soo dhaweeyeen kuwii hore, kuwa soo socdana ay sidaa oo kale u soo dhaweynayaan ,waxa uu waalidiinta caruurtooda ku maqan gacanta Maleshiyaadka Shabaabka in ay caruurtooda raadsadaan lana soo dhaweyn doono ,waxaana uga baaqayaa in la soo dhaweyn doono dhibna aan loogeysan doonin si xuriyad leh in ay ku joogi doonaan magaalada waxna loo bari doono, dadkana laguma sii dhex deyn karo waxa lagayaabaa in ay dhibaato kale keeni karaan.

Maahan Markii ugu horey Maamulka degmada dhuusa mareen dhalinyaro ka soo goosatey Maleeshiyaadka Shabaab isu soo dhiibaan lagu soo bandhigo degmada dhuusamareeb iyadoo biliihii soo dhaafey ay isa soo tarayaan, maamulka degmada dhuuso mareeb ayaa u sheegay Waalidiinta caruurtooda ku maqan Maleeshiyaadka Shabaab in loo sameyn doono xarummo lagu dhaqan celiyo dhalinyarada ka soo goosato Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip