Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe oo ka tirsan gobolka J/hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal faraha looga gubtay oo dhex maray Amiirka garab ka mid ah ururka Al-Shabaab Axmed Ow Cabdi Godane. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka amar qaata Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr ay khaarajiyeen C/risaaq Alburundi oo ka tirsan saraakiisha Al-Shabaab, kaasi oo muddo ku dhow sideed bilood u xirnaa garabka Abuu Zubeyr.
Daqiiqado kaddib markii uu dhacay dilka sarkaalkaasi oo u dhashay wadanka Burundi waxaa magaalada Baraawe ka bilowday dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayna kala hoggaaminayaan Abuu Yaasir Al-Maqdishi sarkaal lagu magacaabo oo Soomaali ah iyo Abuu Zubeyr, inkasta oo ilaa iyo iminka aan si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaalada degmada Baraawe ay saakay degan tahay, inkasta oo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya maleeshiyooyinka iska soo horjeeda.
Sida uu sheegayo qof goob jooge ah oo qariyay magaciisa, dagaalka ayaa waxaa ku awood roonaaday garabk Axmed Godane oo isaga qudhiisa ku dhaawacmay dagaal shalay ilaa xalay ka dhacayay degmada Baraawe.
Axmed Godane oo khaarajiyay C/risaaq Alburundi iyo dagaal xoogan oo ka dhacay Baraawe
Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe oo ka tirsan gobolka J/hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal faraha looga gubtay oo dhex maray Amiirka garab ka mid ah ururka Al-Shabaab Axmed Ow Cabdi Godane.