Sanadkaan cusub 2014-ka Soomaaliya maka hari doontaa dhaqamada ka reebay asaageeda?!!
- Visits: 1480
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Kumanaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay hareeraha waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho kaddib markii ay ka war heleen in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu socod dheer ku marayo magaalada Muqdisho isagoo aan saarneyn gaari, balse ay la socdaan ilaaladiisa gaarka ah iyo madax ka tirsan Xukuumadiisa. Guud ahaan ammaanka magaalada Muqdisho oo ahaa mid dadweynaha ilowsiiyay dhibaatooyinkii ay soo mareen 22-kii sano bacdamaa habeenkii saq dhexe halkii ay si nabad ah ku tegi karaan ayaa keenay in madaxda ugu sareysa Dowladda sida Wasiirada, Xildhibaanada, Madaxweynaha iyo saraakiisha sarsare iyagoo lugeynaya inay kaaga hor yimaadaan wadada adigoo socda.
Anigoo doonaya inaan u dhaqaaqo goobihii ay dadweynaha isugu tegayeen ayaa waxaan dhageystay warka subaxnimo ee Radio Muqdisho, hase yeeshee warkii ugu horeeyay oo lagu bilaabay ayaa waxa uu ahaa: "Dowladda Soomaaliya oo dalka Afrikada dhexe u direysa ciidamo tiradoodu gaareyso toban Askari".
Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee loo dirayo dalka Afrikada dhexe oo saakay cutubkii ugu horeeyay ay ka qaadeyso garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana garoonka ku sii sagootiyay madax iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in ciidamada ka socda Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka yihiin ciidamada Midowga Afirka ee nabadda ku soo celinaya dalkaasi oo ay la degeen dagaallo sokeeye meeshana ka saaray Dowladdii dhexe sida ay beri ahaan jirtay Soomaaliya.
Raadiyaha warkii labaad oo aan ka dhageystay wuxuu ahaa: "Waxsoosaarka Warshadaha dalka oo kor u kacay saddexdii sano ee ugu dambeysay", warshadahaan oo isugu jira kuwo Dowladdu leedahay iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay isla markaana soo saara qalab kala duwan sida gawaarida, qalabka cuntada, Saabuunta, Saliida raashinka lagu darsado iyo tan korka la marsado, Computerada iyo adeegyo kale oo nolosha dadka aanu ka maarmin.
Warka saddexaad wuxuu ahaa: "Soomali fara badan oo la ilmeynaya xusuustii waayihii ay soo mareen ee ka reebay asaagooda kaddib markii Dowladdu ku dhawaaqday maalin la xusuusanayo dadkii ku geeriyooday, kuwii dhaawacmay iyo dadkii dhibaatada ka soo gaartay xilligii uu dalku burburka ku jiray".
Intaas markii aan dhageystay ayaan mar kaliya ka soo toosay sariirtii aan jiifay markaas dhinacyadeyda eegayna waxaan ogaaday in Raadiyihii aan dhageysanayay iyo wararka uu sheegayay ay ahaayeen riyo, balse ay muujineyso inay maalin uun dhaboobi doonto.
Akhristow markaan ka soo tago riyadeyda rajo ku noolka ah Soomaali meel ay joogtaba waxaan leeyahay "Sanad wanaagsan" sanadka cusub ee 2014-ka Ilaahey ha nooga dhigo sanad barwaaqo, sanad nabadeed, sanad Soomaali ka meyra dhaqamadii xumaa ee wejiyada badnaa ee xumaanta miiran ahaa.
Ma rabo inaan ku dheeraado qormadeydaan, hase yeeshee waxaa jira in badan oo sida aniga oo kale ah ugu riyooda Wanaagga iyo horumarka dadka iyo dalka Soomaaliya, isla markaana gowska dambe ku heysta inay jirto maalin ruux oo muwaadin Soomaaliyeed ah ka damqado wax kasta oo khatar gelin kara danaha dalka iyo dadka, isla markaana uu la ilmeyn doono sidii dalku beri ahaa iyo isbedelka xoogan ee ku dhacay.
Waxaa Diyaariyay: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil@journalist.com
Sanadkaan cusub 2014-ka Soomaaliya maka hari doontaa dhaqamada ka reebay asaageeda?!!
Kumanaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay hareeraha waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho kaddib markii ay ka war heleen in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu socod dheer ku marayo magaalada Muqdisho isagoo aan saarneyn gaari, balse a