Munaasabada Alle Bariga ee loo yaqaan "Astaagfurow" oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho (Sawiro)

0
Wednesday January 01, 2014 - 16:46:14 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabada Alle Bariga ee loo yaqaan "Astaagfurow" oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho (Sawiro)

    Waxaa Maalinimadi shalay degmada xamarweyne ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Munaasabada Alle Bariga loo yaqaan (Istaagfurow) taasi oo ee caan kuyihiin bulshada Banadiriga ah ee kunool magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Maalinimadi shalay degmada xamarweyne ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Munaasabada Alle Bariga loo yaqaan (Istaagfurow) taasi oo ee caan kuyihiin bulshada Banadiriga ah ee kunool magaalada Muqdisho. Munaasabadaani oo ah mid sanadla ah ayaa waxaa ka soo qayb galay dad aad u fara badan iyadoo lagu bilaabay quraan aqris socday muddo todobaad , iyadoo maalinti shalay oo taariikhdu milaadiga kubeegneed 31/12/2013 lagu soo gaba gabeeyay Degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxayaasha ayaa aqrinayay: "Astaagfurow Rabakum Inaa u kaana Qafaara Usalli Samaleeykum Midraara”, iyo erayo kale oo dhamaantood qeyb ka ah Alla bariga sanadlaha ah ee dadka reer Xamar isugu soo baxaan.

Waxaa sidoo kale xaadir ahaa Alla Bariga culumada aalu Faqiih, Odayaasha beelaha Banaadiriga, Jameecada Dariiqada Rufaaciya, Ardayda Duqsi Quraanka.

Gunaanadka Munaasabada ayaa sida caadada u ah banaanbaxaani waxaa halkaas lagu gowracay ilaa iyo dhowr neef oo Ari ah waxaana midka ugu horeeyey Gowracay Qadhiibka Jaamacada Xamarweyne ugu dambayntii waa halkaa lagu faataxeystay laguna duceeystay.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan



W/D: Sh Cali Cumar Abati Binfaghi

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip