akiilka Midowga Africa uqaabilsan Arimaha Somaliya Maxamed Saalax Anadiif oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arimo kala duwan. Waxa uu Anadiif tibaaxay in sanadkaan cusub ee 2014-ka uu yahay mid aan rabno himilooyin kala duwan ay AMISOM hiigsaneyso.
Anadiif ayaa sheegay inay ku dhiiri gelinayaan Bahda Warbaahinta Somaliyeed iyo saxafiyiinta ka howlgaba inay sii wadaan howlaha ay ku shaqeeyaan xaalada adag shacabkooda u adeegaan dhabar adeegna muujiyaan.
Maxamed Saalax Anadiif ayaa sheegay in ay muuqato wadadii nabada inay qaaday Somaliya maadama doorasho xor ah ka dhacday Puntland oo baarlamaan iyo madaxweyne iyo kuxigeenkiisa lasoo doortay,Ra’iisalwasaare Cusubna dhawaan lasoo dhisay Dawlada dhexe kaasi oo Xukuumadna laga sugayo.
Waxa uu madaxa AMISOM Somaliya uu hadalkiisa intaa ku daray in rajada ay tahay sanadka 2016-ka inay ciidanka AMISOM iskaga baxaan Somaliya xilligaasi oo la filayo in dadku ay soo doortaan Madaxweyne Cusub.
AMISOM oo shaaca laga qaaday xiliga ee Soomaaliya kabaxeyso
akiilka Midowga Africa uqaabilsan Arimaha Somaliya Maxamed Saalax Anadiif oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arimo kala duwan.