Suldaan Aweys oo kulan laqaatay Safiirka Itoobiya ufadhiya dalka Australia (Sawiro)

0
Saturday January 11, 2014 - 13:40:33 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2883
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Aweys oo kulan laqaatay Safiirka Itoobiya ufadhiya dalka Australia (Sawiro)

    Suldaan Aweys Suldaan Maxamud oo kamid ah salaadiinta Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay Qaarada Australia ayaa waxa uu kulan laba geesood ah laqaatay Safiirka dalka Itoobiya ufadhiya casimada wadanka Australia ee Canberra.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Aweys Suldaan Maxamud oo kamid ah salaadiinta Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay Qaarada Australia ayaa waxa uu kulan laba geesood ah laqaatay Safiirka dalka Itoobiya ufadhiya casimada wadanka Australia ee Canberra. Kulankaan laba geesoodka ah ayaa waxa uu kadhacay howlka shirarka caalamiga ah magaalada Brisbane oo xarun u ah Suldaanka halkaasi oo booqasho kusoo gaaray safiirka dalka Itoobiya .

Suldaan Aweys Suldaan Maxamud, "Suldaanka Beelweynta lixda Celli Cumar” oo aanu la xiriirnay kulanki kadib ayaa nooga warbixiyay qaabka ee udhacday kulanki laba geesoodka ahaa ee udhaxeeyay Suldaanka iyo Dr Arega Hailu Teffera oo ah safiirka Dowlada Itoobiya ufadhiyo magaalada Canberra ee caasimada Wadanka Australia.

"Kulankaani waxa uu ahaa mid isugu jiray isbarasho iyo kala war qaadid iyadoo sidoo kalena safiirka aanu ka wada hadalnay xiriirko walaaltinimo ee kadhaxeeyo dowladaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya”, ayuu yiri Suldaan Aweys Suldaan Maxamud.

Suldaan Aweys iyo Safiir Arega Hailu Teffera ayaa labadaba waxey si wadajir ah usoo dhaweeyeen iskaashiga xoogan ee xiligana udhaxeeyo labada shacbi ee Soomaaliya iyo Itoobiya iyagoo qiray in deris wanaag lagu wada noolaado ee dan utahay labada Shacbi.

Ugu dambeenti ayaa waxa si wada jir ah goobta ay kulanka kadhacaysay uga hadlay Safiirka iyo suldaanka iyagoo labadaba muujiyay sida ee ugu faraxsan yihiin kulankaa taariikhiga ahaa.

Dhanka kale Safiirka ayaa waxa uu kulamo gaar gaar ah laqaatay inta uu booqashada kujoogay magaalada Brisbane ee dalka Australia Jaaliyada Itoobiya oo ee kujiraan Soomaalida Itoobiya .

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan


Kulankaani ayaa kusoo gaba gaboobay jawi aad uqurxbadan

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip