Kooxda Banaadir Telkom oo Guul Taariikhi ah ka gaartay Tartanka Bariga & Bart. Afrika....

0
Tuesday July 15, 2008 - 13:23:41 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Banaadir Telkom oo Guul Taariikhi ah ka gaartay Tartanka Bariga & Bart. Afrika....

    Kooxda Kubada Cagta ee Banadir Telkom oo Mataleesay Wadankeena Soomaaliya ayaa Maalinimadii Shalay Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ka gaartay Guul Taariikhi ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Kubada Cagta ee Banadir Telkom oo Mataleesay Wadankeena Soomaaliya ayaa Maalinimadii Shalay Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ka gaartay Guul Taariikhi ah.


Kooxdaan oo ah kooxda heesato Horyaalka Dalka Soomaaliya ayaa waxa ay dharbaaxo kulul hubisay maalintii shalay Koox iyadana heesatay horyaalka dalka Burundi ee lagu magacaabo Viela"o..

Kulankaan oo ahaa mid taariikhi ah ayaa bilawga ciyaarta waxee labada kooxba soo bandhigeen qaab ciyaareed aad uqurux baan oo raali geliyay dhamaan daawadayaashi cayaarta iyadoo qeybti hore Cayaarta kusoo idlaatay 0 iyo 0.

Marki dib la isugu soo laabtay qeybta labaad ee Cayaarta ayaa wiilasha ku Cayaarayay Magaca Naadiga Kubada Cagta Banaadir  ee heesata horyaalka Dalka Soomaaliya ayaa waxa usuura gashay Gool qurux badan in ay shabaqa taabsiiyaan taas oo ka timid baaaas qurux badan oo difaac min dhex ilaa weerar aad loo soo qaabeeyay iyadoo shabaqana taabsiyay Weeraryahanka naadiga Banaadir ee Dhalashidiisa kenyaatiga ivin emualv

Sidoo kale waxa Calaamada roosaha ka qaatay Naadiga Banaadir Telkom xiga uga cayaara dhanka danbe ee Yaasiin taas oo jawiga Cayaarta ka dhigtay mid kacsan maadaama ay 9 Cayaartoy oo dhax ah ay noqdeen Naadigeeni Soomaaliyeed ee banaadir Telkom.

Wiilasha ku cayaarayay Magaca Naadiga Telkom oo dadaal badan muujiyay ayaa cayaarta marki ay mareesay 90 Daqiiqo ayaa gool lama filaan ah laga dhaliyay taas oo natiijadi Cayaarta ka dhigtay mid bar bara ah dad badan oo galabtaa daawanayana ay qalbi jab ku riday taas oo ula muuqatay mid ku dhamaatay Cayaarta Bar bar dhac 1 iyo 1.

Kaptanka Kooxda kubada Cagta Banaadir Telkom ee Soomaaliya Farxaan Cisman C/laahi iyo Saaxibadiisa ku wehliya kooxda ayaa taa gaashaanka uduruuray kadib marki kubad aad uxirfadeesan oo la dhax qaaday qadka dhexe taa oo si xeeladeesan isagana shubaqa uhibiyay Cayaaryahanka afka hore uga cayaara Naadiga Banaadir ee Nuunow iyadoo natiijada Cayaartana noqotay mid ku idlaatay 2 iyo 1 oo ay guusha ku raacday Naadigeena Soomaaliya ee banaadir Telkom isal markaana ka dhigtay Natiijo taariikhi ah oo ay soo hoyaan wiilasha ku cayaarayay Magaca Naadiga Banaadir Telkom.

hadaba Guushaan taariikhiga ah ayaa waxa laga soo wada dhaweeyay si siman guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyagoo ku macneeyay guushani in ayba kusoo aaday xili Muraalka Bahda Isboortiga soomaaliyeed ee hareeyay qilaafaad ragaadsaday kaas oo iminka qarka usaaran in ayba bur buraan dhamaan Xiriirada isboortiga soomaaliya hadii aanan loo helin tanaasulaad dhab ah

Hadaba kooxda Banaadir ayaa Cayaarteeda labaad waxa ay leedahay Maalinimada Qamiista iyadoo la cayaari doonto Naadiga ka dhisan Wadanka Tanzania ee samba oo ay ka wada tirsan yihiin isla guruubka A iyadoo sidoo kale guruubkaan ay ku wehliyaan  Tusker Kenya ah iyo Viela'o oo dalak Brundi ah oo ah kooxdii shalay aan afka ciida udarnay.

Sidoo kale waxa ubalan qaadeenaa bahda Isboortiga Soomaaliyeed  in aan usoo bandhigi doono Sawirada iyo wareysiga Kabtanka Naadiga Banaadir Telkom ahna kubad qaabeeyaha Xulkeena Qaranka Soomaaliya Farxaan Cisman C/llaahi oo dhawaan aan idin soo bandhigi doono

W/D: C/raxman Sheekh C/laahi
Farxad95@hotmail.com
Warsheekh/ Mogadisho


 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip