War hada naga soo gaaray gudaha deegaanka Raage Ceele ayaa sheegaya in halkaasi isaga baxeen gabi ahaan ciidamadi Alshabaab ee fariisinka kulahaa deegaankaasi. Goob jooge kusugan gudaha deegaanka Raage Ceele ayaa xaqiijiyay in aroornimadi hore ee saakay ee ciidamada Alshabaab ee isaga baxeen degaanka iyadoo sidoo kale ee hore uqaateen wixi agab military oo uyiilay deegaanka.
Dhanka kale ruux kusugan degmada Warsheekh ayaa inoo xaqijiyay in ciidamo kuhubeesan dareeska dowlada ay udhaqaaqeen dhanka deegaanka Raage Ceele, kadib marki ee ka war heleen kabixitaanka ciidamadi Alshabaab ee Deegaanka.
Ciidamadi Gaaray deegaanka Raage Ceele ayaa sidoo kale waxa kubiiray ciidamo beeleedyo kujiray howdka kuwaasi oo dagaal kula jiray Alshabaab .
Dadka reer Raageceele ayaa saakay umuuqda kuwa dib uhelay xurnimadoodi kadib sanado badan oo uu dulsaarnaa maamulki Alshabaab .
Kabixitaanka Alshabaab ee deegaankani ayaa si rasmi ah loo ogeyn sababihi kadambeyay hasa yeeshe waxey kusoo beegmeesaa xili ee habeenki xalay dadka reer Raage Ceele ee dagaal kaga hor yimideen ciidamadaani oo damacsanaa iney laba jibaaraan lacago ee magacyo kala duwan uga qaadan jireen dadka deegaanka.
Raage Ceele oo sharci ahaan degmanimadiisa muran badan kajiro kadib marki dowladi Cabdulaahi Yuusuf ee u aqoonsatay degmo Toos ah halka xiligi dowladi Maxamed Siyaad dhaceysay ee aheed mid kamid ah deegaanada hoos yimaado degmada Warsheekh.
Alshabaab oo si rasmi ah ugabaxday Deegaanka Raageceele ee Gobolka Sh/Dhexe (Warbixin).
War hada naga soo gaaray gudaha deegaanka Raage Ceele ayaa sheegaya in halkaasi isaga baxeen gabi ahaan ciidamadi Alshabaab ee fariisinka kulahaa deegaankaasi.