Gobolka Galgaduud oo siweyn loogu xusay Dhalashada Nabiga (NNKH) "Daawo Sawiro"

0
Tuesday January 14, 2014 - 14:09:09 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobolka Galgaduud oo siweyn loogu xusay Dhalashada Nabiga (NNKH) "Daawo Sawiro"

    Munaasabad lagu maamuusayay dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH ayaa xalay lagu qabtay deegaanka Xananburo oo ka tirsan degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad lagu maamuusayay dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH ayaa xalay lagu qabtay deegaanka Xananburo oo ka tirsan degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Xafladan oo ay si wada jir ah usoo agaasimeen bulshada ku nool deegaanka Xanan buro ayaa waxaa laga soo jeediyay siirada Nabigeenna, dadaalkii faraha badnaa iyo dhibaatadii uu uso maray fidinta Diinta Islaamka.

Culumaa’udiinka deegaanka oo halkaasi ka hadlay ayaa dadka kula dardaarmay Alla ka cabsiga iyagoo dadka ku booriyay in ay muujiyaan jaceylka Nabigeenna Muxamed, waxaana sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay Qasiidooyin Nabi Amaan ah.

Guud ahaan inta badan gobollada dalkeena ayaa lagu qabtay munaasabado lagu weyneynayo dhalashadii Nabigeenna, marka laga reebo deegaannada ay wali dalka kaga harsanyihiin malleeshiyaadka argagixisada Shabaab, kuwaasoo aan ogoleyn xuska dhalashadi Nabigeenna Muxamed NNKH.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip