Munaasabadi ugu horeesay oo lagu Xusay bisha uu dhashay Nabi Muxamed (NNKH) oo lagu qabtay Maxfalka Deg.Shibis (Daawo Sawiro)

0
Tuesday January 14, 2014 - 14:20:06 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 4112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabadi ugu horeesay oo lagu Xusay bisha uu dhashay Nabi Muxamed (NNKH) oo lagu qabtay Maxfalka Deg.Shibis (Daawo Sawiro)

    Munaasabad lagu weyneenayay Xuska Dhalashada Rasuulkeeni Muxamed (CSW) ayaa maanta lagu qabtay maxfalka oo ku yaala degmadda shibis ee gobolka banaadir iyadoo maantana ee kubeegneed maanta 12 rabiical awal ee bisha Mowliid oo ah bisha uu dhashay suub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad lagu weyneenayay Xuska Dhalashada Rasuulkeeni Muxamed (CSW) ayaa maanta lagu qabtay maxfalka oo ku yaala degmadda shibis ee gobolka banaadir iyadoo maantana ee kubeegneed maanta 12 rabiical awal ee bisha Mowliid oo ah bisha uu dhashay suubanaha (NNKH). Munaasabadaani oo aheed mid siweyn loo soo abaabulay kana dhacday , ayaa waxa qaban qaabadeeda lahaa dhamaan ablubaytka rasuulkaKa qeybgalka Munaasabada oo ay soo xaadireen dhamaan Culuma’udiinka Ahlusunah Waljamaac iyo maamulka gobolka banaadir ee sida weyn loo yaqaano. Mudarasiin, Mucalimiin, Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya, Ganacsato caan ah iyo dhamaan qeybaha kala gadisan ee bulshada kunool magaalada muqdisho

Munaasabada oo si qurux badan u dhaceysay ayaa ugu horeyn waxa lagu fur furtay Saliga Nabiga CSW, iyadoo halkaa la aqriyay Kitaabka Mowliid Intaas kadib ayaa waxa bilowday Muxaadarooyinki qiimaha badnaa ee jeedinayeen culuma’udiinki caanka ahaa ee ka soo qeybgalay munaasabada lagu weyneeynaayay bisha uu dhashay suubanaheenii Muxamad (CSW).

Ugu horeyn waxa muxaadarooyinka Bilaabay, qasaaidyo lagu weyneynaayo nabigeena muxamed (scw) waxaana qasaaidyadaas aqrinaayeed jameecada dariiqada rufaaciya ee ahlasunna waljameeca .

waxaa ka soo qaybgaleen culumaudiin farabadan iyo dariiqooyinka suufiya ee ahlasunna waljameeca ka mid ah waxaa ka mid ah dariiqoyinkaas dariiqada rufaaciya qaadiriya axmadiya saalixiya reer sh muxyadiin maclin mukaram culumada ahlu baytka culumada aalufaqiih reer sh suufi reer sh abba maamulka gobolka banaadir ugu horeyntii waxaa taariikhda la furay maxfalka shariif cabaas caydaruus ka dib waxaa hanada lagu soo dhoweeyey sh cabdurxmaan caydaruus oo si tafaftiran uga hadlay taariikhda la furay maxfalka iyo dadkii ka qayb qaatay dhisidiisa waxaa kaloo ka hadlay guddoomiye ku xigeenka macmaca dariiqa suufiya sh cali cumar abati binfaghi waxaa ugu dambayntii soo xiray oo qudbada qaatay guddoomiyaha gobolka banaadir maxamuud axmed nuur (tarsan) iyo imaan nuur iikar o ah ku xigeenka maamulka gobolka banaadir Ugu Dambeentina waxa Munaasabad Duco dheer ku soo qatimay Shariif cabduraxmaan caydaruus isagoona dhamaan umada Muslimiinta Eebe uga baryay inuu arsuqo Maxabada Nabiga (CSW), sidoo kalena sheekha waxa uu duco qaas ah uduceeyay Umada Soomaaliyeed meel kasta oo ee joogaan

Jawiga Munaasbadi maanta ayaa waxa uu kusoo gaba gaboobay si qurux badan .

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan


 
w.d sh cali cumar abati binfaghi
guddomiye ku xigeenka majmaca dariiqa suufiya
ahna weriya ahlasuna waljameeca ee muqdisho
email dariiiqadarufaaciya@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip