R/wasaarihii hore ee DFS mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa ka hadlay war been ah oo uu ka qoray mid kamid ah Wabseedyada Soomaaliyeed. Mr Saacid, ayaa Bogga uu ku leeyahay Facebooka, qoraal yar oo uu soo dhigay, waxa uu ku beeniyay inuusan tirinin Gabay laga been abuurtay oo lagu weerarayo Ururka Dam-jadiid.
"Xishood Darida dadka qaar ee saxafiyiinta sheegta heerkaan beey gaartay. In la i masabito oo la yiraahdo Saacid baa gabay tiriyay oo inoo soo diray! Runti aad baan u xushmeeyaa saxaafadda, balse waxaa jira kuwa aan aqoonti iyo anshaxi saxaafadda laheen oo xumeeynaya magaca saxaafadda Soomaaliyeed. Kuwa sidaa u dhaqmaya waa in aan mujtamaca ka takoornaa ilaa ay ka harayaan xumaha oo ay wanaaga u soo laabanayaan”
Gabayga laga been abuurtay aayaa sidaan u qornaa
Saacid oo Gabay tiriyay una soo diray Shacabkamedia (Akhriso):
Marka hore Adeer Suldaan Godo-Godo waan ku salaamay,salaan kadib gabaygan iga gaarsii Soomaalida ku xiran Webka caanka ah ee Shacabkamedia:
Duulaanka waaguu i helay
Habar dugaag oo dhan Digil iyo haduu mirif lahaa
Dir iyo daarood ba Baarlamaanku waaguu idilay Doolar kana qaatay
Dabkii laygu shiday maalintuu Qiiqa damin waayay
Hala dilaba mooyee markaan Diirnaxaba waayay
Nin rag ahu dagaal waa yaqaan doqonse yeelkeede
Difaacayga Waataan xirtoon Dirir u soo xaytay
Alay lehe waxaan dabin dhigiyo Siriqdi aan duugay
Culusoow inuu dalaq ku yiri Ayaan cidina diidayne
Kibir kiyo danaagada kuwii Nagu dabray naayay
Dab inaan ku shiday waa xaqiiq Duulki sharshuure…
Doonbaa la caariday Foosiyadi damaca waalnayde
Fiqi daranyo oo dayriyoo Loo dardaar
Wariya Xoosh jibril dubihi lala dhacana Waa ku diirsadaye
Ina cali miraan laga dayayn Liiska soo dagaye Reer Damjadiid waxaa Ku dhacay daqaro Waawayne Duqa iyo labada soo hartana Waa la dagayaaye…
Duulkii samaha laga qarshana Waa ku daayeene
W/Q:C/Faarax Shirdoon (Fomer Prime-Minister of Somalia)
RW, Saacid oo been Abuukri ugu weynaa lagu Sameyay iyo isagoo si kulul uga jawaabay
R/wasaarihii hore ee DFS mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa ka hadlay war been ah oo uu ka qoray mid kamid ah Wabseedyada Soomaaliyeed.