Madaxweynaha: "Hogaanka Gobolka Banaadir Maahin Boos nin uxiran yahay oo aan laga qaadi karin".
Madaxweynaha Soomaaliye Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo caawa si toos ah uga hadlayay barnaamijka dood wadaag ee kabaxa Tv-ga Universal ayaa si kulul uga jawaabay su'aal la xiriirtay xushmo la'aan lasheegay in dowlada kula dhaqantay gudoomiy
Madaxweynaha Soomaaliye Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo caawa si toos ah uga hadlayay barnaamijka dood wadaag ee kabaxa Tv-ga Universal ayaa si kulul uga jawaabay su'aal la xiriirtay xushmo la'aan lasheegay in dowlada kula dhaqantay gudoomiyaha gobolka banaadir Maxamud Axmed nuur Tarsan. Madaxweynaha ayaa sheegay in Tarsan la darajeeyay oo loo magacaabay jago kasareeso mida uu hada haayo hasa yeeshe uu xaq uleeyahay xilkaa inuu aqbalo iyo inuu diido.
" Gudoomiye Tarsan waxa uu kamid yahay gudoomiyayaashi gobolka banaadir soo maray kuwa ugu waqtiga dheeraa waxana udooranay jago kasareeso tan iminka uu joogo hasa yeeshe aqbalaada iyo diidida isagee kuxirantahay”.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Hogaanka dalka sida kan Gobolka Banaadir iyo kan madaxweynahaba uusan aheen Boos Cabir ah oo qof leeyahay uuna yahay mid meerto ah oo cid waliba laga qaadi karo.
"Dhamaan jagooyinka dalka sida kan gobolka ilaa kan madaxweynaha maahin boos 50x50 oo qof leeyahay waana xil meerto ah oo cidna qabaneyso cidna ee weyneeso”.