(OGEYSIIS), Dhamaan Aqristayaasha Shabakada Warsheekh Waxa la Ogeysiinayaa Isbadal cusub

0
Tuesday January 21, 2014 - 15:24:16 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (OGEYSIIS), Dhamaan Aqristayaasha Shabakada Warsheekh Waxa la Ogeysiinayaa Isbadal cusub

    Sida aad la wada socotaan waayadaan danbe shabakadda warsheekh.com waxa ay ka mid noqotay shabakadaha loogu booqashada badan yahay, taasina waxa ay keentay in server-kii aan hore u isticmaali jirnay uu xamili kari waayay dadka faraha badan ee soo boo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida aad la wada socotaan waayadaan danbe shabakadda warsheekh.com waxa ay ka mid noqotay shabakadaha loogu booqashada badan yahay, taasina waxa ay keentay in server-kii aan hore u isticmaali jirnay uu xamili kari waayay dadka faraha badan ee soo booqanaya website-ka, sidaa daraadeed waxa aan go'aansannay in aan u guurno server midkii hore ka baaxad weyn oo xamili kara traffic intan ka badan.  Waxa aan akhristayaasheena sharafta leh la socodsiineynaa in habeenka Tallaadada sii baxeyso oo ay Arbacada soo galeyso saq dhexe 21-22/01/2014 la bilaabi doono howsha rarista shabakadda, waxa aana rajeyneynaa in ay waqti kooban ku dhammaan doonto insha Allah laakiin sida ay inoo sheegeen Injireerada shirkadda Ileys Inc. oo ah shirkadda gacanta ku heysa website-ka warsheekh.com waxaa laga yaabaa in 24-ka saacadood ee ugu horeeya wadamada qaar laga dareemo googo' oo dadka waddamadaas jooga aaney si wacan website-ka u booqan karin.

Waxa aan idinka codsaneynaa in aad noo dulqaadataan muddadaas kooban, waana idinkaga mahadnaqeynaa sida joogtada ah ee aad website-ka ugu xiran tihiin.

Shirkadda Ileys Inc. waxa ay qiimo dhimis 10% ah u sameyneysaa akhristayaasha website-ka warsheekh.com, booqo oo wax ka iibso website-ka Ileys Inc. [http://ileys.so] adiga oo isticmaalaya furaha qiimo dhimista ee warsheekh, ogow: qiimo dhimistani waxa ay u gaar tahay akhristayaasha website-ka warsheekh.com, waxa ayna socon doontaa muddo kooban.

Wixi Talo iyo Tusaale kala xiriir Maamulka Shabakada Warsheekh
E-Mail: webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip