16-Wariye ee Sanadkaan 2012 lagu dilay Soomaaliya, Xiliga iyo Qaabki loo dilay
- Visits: 3239
-




(Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
- 0 0
-
Share
Dalka Soomaaliya ayaa noqday Dalka ugu badan ee lagu dilo Wariyaasha iyadoona Sandkan uu noqday kii ugu badnaa ee Soomaaliya lagu dilo Wariyaal aad u tiro badan oo ka shaqeenayay qeybaha kala duwan ee warbaahinta soomaaliya. Wariyshaan Soomaaliya lagu dilay ayaa tirada ugu badan lagu Dilay Magaalada Muqdisho waxaana tirada guud ee Wariyaasha lagu dilay Soomaaliya ay noqonaysaa 16-Wariye oo dhamaan ay dileen kooxo aanaheebtooda la garan loona soo qaban wali falal dambiyeedyada ay galeen
Aqriso Magacyada Wariyaasha la dilay iyo Xiliyadii la dilay
— Jan. 28: Rag hubeysan ayaa dilay Hassan Osman Abdi oo ahaa Agaasimihii Idaacada Shabelle xaafada Nasteexa ee degmada Wadajir
— Feb. 28: Rag hubeysan ayaa dilay Abukar Hassan Mohamed oo ahaa Agaasimihii Idaacadii Somaliweyn magaalada Muqdisho
— March 4: Ali Ahmed Abdi oo ahaa wariye ka shaqeynayay Radio Galkacyo, ayaa lagu dilay magaaladaas ee bartamaha Soomaaliya
— April 5: Mahad Salaad Aden, oo ahaa wariyihii Idaacada Shabelle uga soo waramijiray magaalada Beledweyn ayaa lagu dilay magaaladaas
—May 2: Farhan Jeemis Abdulle, oo u shaqeynayay Idaacada Radio Daljir ayaa lagu dilay magaalada Galkacyo
— May 23: Ahmed Addow Anshur oo ahaa Barnaamij soo saarihii Idaacada Shabelle ayaa lagu dilay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho
— July 31: Abdi Jeylani Malaq, oo ahaa majaajiliiste iyo hal abuure ka soo shaqeeyay Idaacado kala duwan iyo Telefishino ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho
— Aug. 12: Yusuf Ali Osman, oo ahaa wariye rug cadaa ah oo ka tirsanaa Wasaarada Warfaafinta soomaaliyeed ayaa la dilay magaalada muqdisho
sidoo kale wariye Mohamud Ali Yare ayaa ku geeriyooday rasaas ay is weydaarsanayeen Ciidamada dowladda agagaarka Garoonka Muqdisho Stadium
— Sept. 20: Liban Ali Nur, oo ahaa madaxa wararka Telefishinka Qaranka, iyo Abdisatar Daher Sabriye oo ahaa wariye ka tirsan Radio Muqdisho iyo Abdirahman Yaasin Ali oo ahaa agaasimihii Radio Xamar ayaa ku geeriyooday weerar is qarxin ah oo ka dhacday goob caan ah oo lagu qaxweeyo agagaarka guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.
— Sept. 21: Hassan Yusuf Absuge, oo u shaqeynayay Idaacada Maanta ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho
— Sept. 27: waxaa la helay Meydka Wariye Abdirahman Mohamed Ali oo madaxa ka go’an oo ahaa wariye qora Ciyaaraha ama Sportiga ayaa laga helay Waqooyiga Muqdisho
— Sept. 28: Ahmed Abdullahi Fanax oo ahaa Wariye u shaqeynayay Wakaalada Wararka ee Yemen SABA ayaa lagu dilay Muqdisho
— Oct. 23: Ahmed Saakin Faarax ayaa rag hubeysan ku dileen magaalada Laascaanood ee xaruunta Gobolka Sool, halkaasoo uu ka arimiyo Maamulka Somaliland.
Wariyasahan Soomaaliyeed ee la dilay ayaan jirin cid si toos ah u sheegatay Dilkooda hasa ahaatee waxaa intooda badan loo beegsaday maxada bulshadiina ugu shaqeysaan taa oo lagu doonayay in lagu aamusiyo Warbaahinta Soomaaliyeed.
W/D: Abdi Shiine Moalin
E-mail: shiine173@hotmail.com
16-Wariye ee Sanadkaan 2012 lagu dilay Soomaaliya, Xiliga iyo Qaabki loo dilay
Dalka Soomaaliya ayaa noqday Dalka ugu badan ee lagu dilo Wariyaasha iyadoona Sandkan uu noqday kii ugu badnaa ee Soomaaliya lagu dilo Wariyaal aad u tiro badan oo ka shaqeenayay qeybaha kala duwan ee warbaahinta soomaaliya.